“XOG MUHIIMA” Wax ka ogow dadka loo doortay Baarlamanka Soomaaliya

xogta-baarlamanka
Nuqul yar oo ka mid ah Xogta ku jirta qoraalka hoose

PUNTLAND POST ayaa soo bandhigaysa xog rasmiya oo ku saabsan tirada Xildhibaanada ilaa iyo hadda loo doortay Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya, Tirada Haweenka ku jira, Tirada Xubnihii horey uga tirsanaa Baarlamankii horre oo mar kale ku guulaystay inay dib uga mid noqdaan  baarlamanka cusub iyo Guud ahaan habka uu u yaalo saami qeybsiga kuraasta ay ku kala leeyihiin maamulada ka jira dalka Soomaaliya sida Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshebele,Koonfur Galbeed,iyo Banaadir.

Xogtu waxay tilmaam ka bixinaysaa hanaanka ay u qabsoontay doorashada Baarlamanka oo haweenku %20 ka heleen qoondadoodii %30 , Islamarkaana xogtu cadeynayso inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa qoondada haweenka maamulada ka jira Koonfurta Soomaaliya, marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo wali laga sugayo inay  buuxiyaan  %10 kuraasta haweenka uga harsan qoondadoodii ahayd %30.

Sidoo kale xogtu waxay daaha ka qaadin inay kusoo baxeen kala bar kuraasta loo doortay 185 Xildhibaan doorashadii qabsoontay  Xildhibaano horey uga tirsanaa baarlamankii waqtigu ka dhamaaday sanadka 2016. hadaba akhriso qoraal ku saabsan sida xogtu u kala cadeynayso qaabka doorashada aqalka hoose.

baarlamankaBANAADIR.

Waxaa jirta 7 kursi oo ah Xildhibaano uga imaanaya Baarlamanka Soomaaliya Gobolka Banaadir , waxaana la doortay ilaa iyo hadda labo kursi oo mid ka mid ah loo doortay Xildhibaan horey uga tirsanaan jiray Baarlamankii Waqtigu dhawaan ka dhamaaday .

JUBALAND.

JUBALAND ayaa noqotay maamulka kaliya oo ilaa iyo hadda ku guulaystay inuu soo gaba-gabeeyo guud ahaan doorashada 43 Xildhibaan oo ay ku leedahay Baarlamanka Dalka Soomaaliya, waxayna haweenku ka heleen 10 kursi doorashadii ka qabsoontay Kismaayo , Halka ay ku guulaysteen 15 kursi in loo doorto Xildhibaano horrey uga mid ahaa baarlamankii waqtigu ka dhamaaday, kuraasta Jubaland ku leedahay Soomaaliya.

KOONFUR GALBEED .

Guud ahaan tirada Xildhibaanada uu ku leeyahay maamulka KOONFUR GALBEED oo dhan 69 kursi, waxaa la doortay 65 Xildhibaanada oo ay haweenku 12 kursi ka heleen , halka loo doortay 33 kursi mudanayaal horey uga tirsanaa baarlamankii waqtigu ka dhamaaday, waxaana wali u harsan maamulka BAYDHABO oo ah kan ugu saamiga badan doorashada 4 Xildhibaan oo ka mid noqonaya 69-ka kursi oo KOONFUR GALBEED ku leedahay Aqalka hoose.

HIRSHEBELLE.

Maamulka cusub ee Hirshebelle oo isna ku leh aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya tirada 37 kursi, waxaa la doortay ilaa iyo hadda 25 Xildhibaan oo 6 ka mid ah haween yihiin, halka 12 ka mid ah yihiin Xildhibaano hore oo ka tirsanaa baarlamankii waqtigu ka dhamaaday.

SOMALILAND

Kuraasta Saami qeybsi Somaliland ku leedahay Baarlamanka Soomaaliya oo guud ahaan dhan tirada 46 Xildhibaan, ma jirto hal kursi oo wali cid loo doortay,madaama ay ku imaan doonaan Xildhibaanada matalaya Somaliland qaab ka duwan habka ay ku imaanayaan Xildhibaanada kale ee maamulada Dalka.

PUNTLAND

Kuraasta PUNTLAND ku leedahay Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya oo guud ahaan dhan tirada 37 Xildhibaan, waxaana ilaa iyo hadda la doortay 22 kursi oo 2 ka mid ah haween yihiin, halka 6 ka mid ah yihiin rag ka tirsanaa 22 kursi ee lagu doortay doorashada GAROWE baarlamankii horre ee waqtigu ka dhamaaday, waxaana wali harsan doorashada 15 kursi Xildhibaanada PUNTLAND uga mid noqon lahaa Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

GALMUDUG.

Kuraasta GALMUDUG ku leedahay baarlamanka Soomaaliya ayaa guud ahaan tiradoodu tahay 36 Xildhibaan, waxaa la doortay ilaa iyo hadda 28 Mudane oo 7 ka mid ah haween yihiin , halka 17 ka mid ahna yihiin rag ka tirsanaa  baarlamankii uu waqtigu ka dhamaaday oo 17 ka mid ah ku guulaysteen inay mar kale dib uga soo noqdaan Kuraasta GALMUDUG ku leedahay Xildhibaanada cusub ee dalka Soomaaliya.

SAWIRKA HOOSE KA AKHRISO XOGTA AY HESHAY PUNTLAND POST

baarlamanka
Akhriso xogta ay heshay PUNTLAND POST

GABA-GABO

XOGTAN ayaa cadeynaysa in guud ahaan loo doortay ilaa iyo hadda Aqalka hoose guud ahaan tirada 185 Xildhibaan, waxaana dhiman doorashada 90 Xildhibaan , Waxaana xogtu muujinaysaa inay yihiin 45.5,%, kuraasta la doortay Xildhibaano horey uga tirsanaan jiray Baarlamankii uu waqtigu ka dhamaaday, Halka sidoo kalena qoondadii 30% ee haweenka lasoo doortay 20% badi kuraasta dhimana ay ku harsan yihiin Xildhibaanada Puntland iyo Somaliland ay ku leeyihiin Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST