Trump oo xoghayaha Gaashaandhigga u magacaabay Generaal James Mattis

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa  ayaa ku dhawaaqay in Generaalka howlgabka ah ee James Mattis uu noqon doono xoghayaha cusub ee Gaashaandhigga Mareykanka.

Generaal James Mattis oo 66 jir ah sidoo kale loo yaqaan “Mad Dog”  “ayga waalan” ayaa horay uga tirsanaan jiray ciidammada Badda ee marineska Mareykanka waxuuna sumcad ku leeyahay fikirkiisa istiraatiijiyadeed, hadal adag, wuxuuna  khibrad ballaaran ka helay dagaallada ka soconaya Ciraaq iyo Afghanistan.

Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu wax ka badelo siyaasadda arrimaha dibadda ee Washington, sidoo kale wuxuu u sheegay dadkii isugu soo baxay magaalada Ohio in wax walba oo awooddiisa ah uu u sameyn doono sidii uu argagixisada uga saari lahaa Mareykanka.

PUNTLAND POST