Shirkadaha Daawooyinka Puntland oo ku midoobay Dallad cusub

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta laga furay magaalada Garowe shirkad balaaran oo ay ku midobeen xarumaha iibiya daawoyinka waxaana loogu wanqalay ama loo bixyey TAYO Pharmaceutical Wholesale Certificates oo soo dejin doonta Daawooyin sugan oo tayo leh.

Munaasabad lagu daahfurayo shirkadan waxaa kazoo qeyb galay masuliyiinta Shirkada TAYO, Dhakhaatiir, Masuuliyiin ka tirsan gollaha Xukuumada Puntland, Xildhibaano, Maamulka Degmada Garowe, Marti sharaf iyo Qeybo kala duwan oo ka tirsan bulshada ku nool magaalada Garowe.

Faysal Axmed Warsame oo ah gudoomiyaha guddiga sare ee shirkada TAYO  ayaa faahfaahiyey sababta loo asaasay,wuxuuna ku dheeraaday ahmiyadda ay u leedahay dadku inay helaan daawo sugan oo la hubo tayadeeda,isagoona hoosta ka xariiqay inay ka bilaabeen hal abuurkan magaalada Garoowe , Islamarkaana ay wada gaarsiin doonaan dhamaan gobolladda Puntland.

51Faysal Axmed ayaa sheegay in loogu soo hagaagi doono Shirkadda TAYO daawooyin wata cadeymahooda, Laguna kalsoonaan karo si looga hortago daawooyinka dhacay iyo kuwa ay liidato tayadoodu.

Cabdirashiid Maxamed oo ah madax hawlgelinta ee shirkadda Tayo ayaa isna sheegay in xarumaha tayo laga wada furay magaaloyinka waawayn ee Puntland,dhawaana ay xafiis ka furan doonaan magaalada Hargeysa, Wuxuuna ka sheekeeyay juhdiga iyo waqtiga ay ku bixiyeen asaasida iyo ka miro dhalinta daahfurka Shirkaddan cusub ee la magac baxday TAYO Pharmaceutical Wholesale Certificates.

Dakhaatiirta kala ah Dr Cabdulcasiis iyo Dr Cartan oo madashan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Shirkadda tayo, waxayna ku booriyeen in magaca ay  wadato Shirkadda cusub iyo Shaqada ay u istaagtay laga dhabeeyo, Xilli ay tilmaameen dhakhaatiirtu inay wax badan kusoo kordhinayso nidaamka daawooyinka ee Puntland.

112Xildhibaan Siciid Samatar Surcad ayaa isna dhankiisa sheegay in Barlamaanka Puntland dhawaan ay soo saari doonan sharciga lagula soconayo Caafimaadka, Islamarkaana lagu xakameyn doono dadka iyo cid kasta oo ku xadgudubta mihnada caafimaadka sida dhakhaatiirnimo iyo Shirkadaha dalka soo galiya Daawooyinka aan wanaagsanayn.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda hawlaha guud iyo gadiidka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax ayaa sheegay inay farxad u tahay in la asaaso shirkad ku taxaluqda arrimaha Dawoyinka oo ku sheegay inay tahay waxyabha ugu muhiimsan ee dadka u baahan yahay si loo helo daawo sugan.

Shirkaddan Tayo waxaa ku midoobay xarumo badan oo horey usoo dejin jiray iibinta Daawooyinka, Waana markii ugu horaysay oo samaystaan dallad balaaran oo ay ku midaysan yihiin, Islamarkaana damaanad qaadaysa sugnaanshaha iyo cadaymaha daawooyinka ay iibinayaan.

11 21 31 51 61 71 81 91 101 112 121 131 141 151 161 171 181 ddd img_95751 img_9576 img_9579 img_9580 img_9582 img_9583 img_9584 img_9585 img_9587 img_9591 img_9592 img_95931 img_9595 img_9604 img_9607 img_9613 img_9622 img_9623 img_9660 img_9662 img_9674 img_9675 img_9676 img_9679Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST