Wasaaradda Maaliyada Puntland oo si aada u kordhisay canshuurta iibka

Bosaaso(Puntland Post)-Ganacsatada Puntland ayaa si aada uga cabanaaya koror aad u sareeya oo ay Wasaaradda Maaliyada Dawlada Puntland ku samaysay canshuurta iibka(Sales Tax) ee laga qaado maciishada iyo adeegyada ay iibiyaan ganacsatadu.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta PuntlandPost ayaa sheegay inay Wasaaradu si aan macaquul ahayn u kordhisay canshuurta iibka, wuxuuna sheegay inaysan sii wadi karin ganacsigooda hadii aysan Wasaarada Maaliyadu si degdeg ah arintan wax uga badelin.

Saraakiil katirsan Wasaarada Maaliyada iyo ganacsatada oo shalay ku kulmay magaalada Bosaaso ayaa la isku afgartay in maalinimada sabtida ay kulan balaaran wada qataan Madax ka socota Wasaarada Maaliyada oo ka imaanaysa Magaalada Garowe iyo Ganacsatada Magaalada Bosaaso.

Ganacsatada Magaalada Bosaaso ayaa ku hanjabay inay albaabada u laabi doonaan ganacsigooda hadii aan kororka aadka u sareeya ee lagu sameeyey canshuurta si ddegdeg ah wax looga badelin.

Xukuumadda Madaxweyne Gaas ayaa marar kala duwan sare u qaaday canshuuraha laga qaado muwadiniinta Puntland, waxaana la aaminsan yahay in kordhin kasta oo ay Wasaarada Maaaliyada iyo xukuumadu samayso aan la horgeyn Baarlamaanka.

PUNTLAND POST