Quraanjecel: 40% Dadka dega Somaliland asal ahaan Puntland ayey kasoo jeedaan

Garowe(Puntland Post)-Afhayeenka Madaxtooyada Dawlada Puntland C/llaahi Maxamed Jaamac(Quraanjecel) oo la hadlay Idaacada BBC ayaa sheegay inaysan Puntland marnaba aqbali doonin sida uu Gudoomiyaha xilku ka dhamaaday ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari u qaybiyey kuraasta aqalka sare ee Somaliland.

Mudane Quraanjecel ayaa sheegay in Dadka dega Gobalada Somaliland ay 40% asal ahaan kasoo jeedaan Puntland, sidaa daraadeedna ay doonayaan inay xubnaha Maamulkaas ka helaan xaqii ay ku lahaayeen oo ahaa sadex xubnood.

Hadalka afhayeenka ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey gudaha Puntland iyo baraha Internetka ee ay bulshadu kuwada xariirto,Mudane Quraanjecel ayaa adeegsaday hadal u eg in dadka dega Gobaladda Sool,Sanaag iyo Cayn ay ka tirsan yihiin Somaliland balse ay la hayb yihiin Dadka dega Puntland kaas oo ahaa “Dadka dega Somaliland 40% waxay asal ahaan kasoo jeedaan Puntland”

Mid kamida Dadka dhaliilay hadalkan ayaa sheegay in afhayeenku adeegsan karay Dadka dega Gobalada Waqooyi, halka uu ka adeegsaday magaca Maamulka ay soodinta ku muransan yihiin ee Somaliland.

Dastuurka Puntland ayaa si cad u qeexaaya in Gobaladda Sool, Sanaag iyo Cayn ka tirsan yihiin Puntland, hase ahaate 10-kii sano ee ugu danbaysay waxaa muuqatay inay soo yaraanaysay awooda Maamul ee ay Puntland ku leedahay Gobaladaas walow Dadka degaanadaas ay saamayn weyn ku leeyihiin Maamulka Puntland.

Madaxda la baxday madasha wadatashiga Qaran ayaa horay ugu heshiiyey in xubnaha aqalka sare lagu qaybiyo hab maamul gobaleed, iyadoo Puntland iyo Somaliland lasiiyey midkiiba 11 xubnood, halka Maamulada kalana ay qaateen min 8 xubnood, waxaana muuqatay in xubnaha dheeriga ee loogu daray Puntland iyo Somaliland si gaara loogu qoondeeyey beelaha dega Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn.

PUNTLAND POST