Sarifka Dolarka Mareykanka oo meel sarre ka maraya Puntland

Bosaaso(Puntland Post)-Sarifka Doolarka ayaa Puntland ka gaaray halkii ugu saraysay shantii maalmood ee ugu danbaysay markii Dawlada Puntland ay bilowday inay dib u daabacdo lacago shillin Soomaali ah, ayna ku bixisay mushaaraadka shaqaalaha Dawlada iyo Ciidamada.

Doolarka oo todobaadyo kahor ka ahaa suuqyada Magaalooyinka waaweyn ee Puntland marka lo badelo Shillin Soomaali hal Doolar wuxuu ahaa afar iyo labaatan kun oo Shillinka Soomaaliga, halka maanta lagu sarifaayo sagaal iyo labaatan kun oo uu kor uga sii socdo.

Sara u kaca ku yimi sarifka Doolarka waxaa barbar socda maciishada oo iyaduna cirka isku sii shareeraysa, maadama badi ay ganacsatada Puntland ku saleeyaan hadba halka uu sarifka Doolarku taagan yahay.

Dawlada Madaxweyne Gaas ayaa billo kahor bilowday inay daabacdo lacago cusub oo shillin Soomaali ah taas oo hadal hayn badan dhalisay, waxaase la hakiyey markii ay sidan oo kale uu sarifka iyo maciishadu ay si aada kor ugu kaceen.

Dadweynaha reer Puntland ayaa si aada uga walaacsan sara u kacan cusub ee ku yimi sarifka iyo maciishada.

Dhamaan Dawladihii soo maray Puntland marka laga reebo tii Cabdiraxmaan Faroole ayaa caado ka dhigtay daabicida Shillin Soomaali khal-khal geliya dhaqaalaha Dalka

PUNTLAND POST