Xildhibaano ka hadlay baaqashada Kalfadhiga 38aad ee Baarlamanka Puntland

Garowe (Puntland Post):- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Puntland oo maanta shir jaraa,iid ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay sababaha keenay inuu furmi waayo  kalfadhiga 38aad ee Baarlamanka Dowlada Puntland oo dastuurku uu dhigayo inuu furo Madaxweynaha Puntland, balse dib u dhac uu ugu yimid sababo aan la shaacin xilli lagu waday inuu furmo maanta.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Dowlada Puntland oo ka hadlay shirka jaraa,iid ee maanta ayaa sheegay inay ku beegnayd furitaanka kalfadhiga 25 October oo ku beegan maanta , Wuxuuna faahfaahin ka bixiyay Xildhibaan Surcad waxa uu dastuurku ka qabo baaqashada ku timid kalfadhiga iyo waajibaadka ka saran Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Xildhibaan Burhaan Aadan Aw-Cabdi oo isna ka mid ahaa Xildhibaanada shirka jaraa,iid ku qabtay maanta Garowe ayaa ugu baaqay guddoonka Barlamaanka Puntland inuu furo kalfadhiga baarlamanka maalinta beri ah , Halka uu faray Madaxweynaha Puntland oo hadda ku sugan Bosaso inuu yimaado magaalo madaxda Garowe.

Warar madax banaan oo warbaahintu helayso ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid Kalfadhiga Baarlamanka Puntland muddo ilaa saddex maalmood ah Islamarkaana lagu wado maalinta sabtida inuu furmo.

Daawo Shirka Jaraa,iid ee Xildhibaanada.

img_6451 img_6456 img_6458 img_6460 img_6464Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST