Waa sidee Xaaladda Magaalada Gaalkacyo?

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta degan kadib markii maalintii shalay uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.

Qaramada Midoobay ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ku dhawaad 70 kun oo Ruux ay ku barakaceen dagaallada muddada seddexda todobaad qaatay ee ka socday Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaaladaasi Gaalkacyo.

Dagaalka Magaalada Galkacyo ayaa qaatay muddo saddex isbuuc ah ma jirto wax waan waan ah oo colaada lagu joojinayo oo u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug, walina waxaa is-horfadhiya ciidamada labada dhinac.

PUNLAND POST