Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Abaaraha ka jira Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo safaro shaqo ugu maqnaa dalalka Emaaraadka Carabta iyo Ethiopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo kasoo degay maanta abaara 12:30 magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso, ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey masuuliyiinta Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso International Airpot ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in safaradii uu ku tagay dalalka Emaaraadka Carabta iyo Ethiopia ay salka ku hayeen kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in safarkaasi uu yimid kadib markii casumaad rasmi ah oo ay Dawladda Puntland ka heshay masuuliyiinta Dawladda Emaaraadka Carabta isla markaana uu ahaa socdaal wanaagsan oo guul kusoo dhamaaday.

Madaxweynaha Dawladda ayaa intaasi sii raaciyey inuu soo maray dalka Ethiopia isla markaana ay masuuliyiinta dalkaasi iska waraysteen xaaladda nabadgelyada dalalka geeska Africa iyo la dagaalanka xagjirnimada oo ay qayb ka tahay sidii looga gaashaaman lahaa shaqaaqooyinka ay kooxaha xagjirka ah ka wadaan dalalka geeska.

Madaxweynaha oo ka hadlay colaadda ka aloosan magaalada Gaalkacayo ayaa  sheegay in aan dagaalkaasi cadaado oo kaliya laga soo abaabulin balse ay qayb mug weyn ku leedahay Dawladda Federaalka Soomaaliya ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa caddeeyey in aysan suurta gal noqon karin waqtigan dhisme Dawlad Soomaaliyeed isla markaana aan la helayn ummad u diyaarsan doorasho ay wada leeyihiin iyadoo ay tusaale u tahay arrintaasi duulaanka colaadeed ee Puntland lagaga soo qaadayo magaalooyinka Muqdisho iyo cadaado, wuxuuna intaas ku daray in aan loo baahnayn daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed balse loo baahan yahay badbaadinta iyo horumarinta umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale ku celiyay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu aysan cidna duulaan ku ahayn balse ay doonayaan nabadgelyo, wadajir, midnimo soomaaliyeed iyo deris wanaag, isagoo tilmaamay in madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayaan masuuliyadda colaadaha dalka ka aloosan.

Dhinaca kalena Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bulshada Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda isla markaana ay xajistaan nabadgelyadooda, wada jirkooda, karaamadooda iyo sharaftooda intaba, isla markaana ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan dagaalada ay soo maleegayaan cadowga Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka hadlay arrimaha abaaraha ka taagan Puntland, wuxuuna ilaahay Subxaanahu Watacaalaa uga rajeeyey umaddiisa inuu ka dulqaado abaarta haysata islamarkaana uu siiyo beddel khayr qaba iyo raxmad ay kaga baxaan abaarta.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

DHAGAYSO:- SHIRKA  JARAA’ID EE MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND.

img_8853 img_8881 img_8899 img_8906 img_8911 img_8934 img_8939 img_8945 img_8951 img_8964 img_8967 img_8977 img_9022 img_9031 img_9033 img_9038 img_9057 img_9074 img_9086 img_9091 img_9094 img_9098 img_9103 img_9106 img_9111 img_9160 img_9165 img_9166 img_9170 img_9172 img_9189 img_9192 img_9193 img_9196 img_9225 img_9233 img_9240 img_9262 img_9268 img_9269 img_9271 img_9285 img_9288 img_9294 img_9301 img_9322 img_9326 img_9328