Majaajileeyste Soomaaliyeed oo Caan ah oo ku Geeriyooday Kampala

Alla ha u naxariistee waxaa Magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ku geeriyooday Marxuum C/salaan Yuusuf Jiimi oo ka mid ahaa jilayaasha ku caan baxay Riwaayadaha Banaadiriga, oo mudooyinkii ugu dambeeyay Magaaladas ku noolaa.

Qaar kamid ah Eheladiisa ayaa u xaqiijiyay  warbaahinta in Marxuum C/salaan Yuusuf Jiimi uu mudooyinkii dambe xanuunsanaayay islamarkaana uu jiifay mid kamid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Marxuum C/salaan Jiimi ayaa Magaalada Kambala u joogay safar uu uga ambabixi lahaa wadanka Maraykanka kaasoo ay ka shaqeysay xaaskiisa oo ah fanaanadii caanka ah Jiida Shiikh Bashiir (Kosta) oo muddo dheer wadankaas ku nooleed.

Marxuum C/salaam Jimi ayaa wax ka jilay riwaayado Banaadiri ah oo si weyn looga daba dhacay, kuwaasoo xiligii berisamaadkii lagu soo bandhigay tiyaatarka Qaranka, waxaana ka mid ahaa riwaayadii: Sharaxii la tumaayey sheekaa ka dambeysay, Ibna Aadan iswaayey arrinaa kala geysay, Damac adduun, Sed ma leh Sariiglaay, iyo riwaawado kale oo badan, isagoo markii dambe ku biiray kooxdii fanka ee Banaadir Star.

PUNTLAND POST