Hay’adda astaynta maamul wanaaga & la dagaalanka musuq-maasuqa oo Bosaaso tababar ku qabatay

Bosaaso(Puntland Post)-Hay’adda astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka muq-maasuqa Dawlada Puntland ayaa magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari ku qabatay tababar la xiriira Maamul wanaaga iyo Hogaaminta wanaagsan, waxaana tababarkan kasoo qayb galay Maamulka Gobalka Bari iyo wax garadka Magaalada Bosaaso.

Tababarkan oo mudadii uu socday ay ka faaidaysteen bulshada qaybaheeda kala duwan oo ka kala timi Xaafadaha Magaalada Bosaaso, Kaamamka barakacayaasha, shaqaalaha Gobalka Bari iyo kan degmada Bosaaso, waxaana ugu horayn tababarkan daah-furay Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) wuxuuna ku dheeraday ahmiyada uu tababarkani leeyahay iyo sida Maamulka Gobalka Bari ay ugu go’an tahay cirib tirka musuqa iyo hirgelinta Maamul wanaaga, wuxuuna ku amaanay Hay’ada Dawlada Puntland u qaabilsan astaynta Maamul wamaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa dadaalka xoogan ee ay wado.

Sidoo kale waxaa tababarkan ka hadlay Agaasimaha Hay’adda astaynta Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Cabdiraxmaan Cali Guureeye wuxuuna dadweynihii tababarka ka faaidaysanaayey iyo kuwii kasoo qayb galayba u faah-faahiyey ujeedadii loo asaasay hay’adan iyo dadaalada xoogan ee ay wado iyo weliba guulaha ay gaartay mudadii ay jirtay, Agaasime Guureeye ayaa Dadkii loo qabtay tababarka ku booriyey inay ka faidaystaan casharada ay siinayaan khuburo muhiima.

DrĀ  Cabdiraxmaan Axmed Nuur(Sulub) oo kamida ahaa khuburada tababarka bixinaysay ayaa Dadweynihii kasoo qayb galay u faah-faahiyey Dawlad wanaaga iyo hogaaminta suuban muhiimada ay bulshada u leedahay.

Sidoo kale Daahir Maxamed Ismaaciil (Qarawe) oo kamida aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa bulshadii tababarka ka faidaysatay cashar muhiima kasiiyey qorshaha istaraatijiyadeed iyo muhiimada ay umada reer Puntland u leedahay.

Hay’adda astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa ka wada guud ahaan Gobalada Puntland tababaro noocan ah iyo sidii loo gaari lahaa yoolka la hiigsanaayo oo ah in Puntland laga cirib tiro musuqa, lagana hirgeliyo Dawlada wanaag dhaba.

dsc00472

dsc00484

dsc00479

dsc00482

dsc00506

dsc00494

dsc00524

dsc00540

dsc00546

PUNTLAND POST