Faahfaahin Xogta iyo Khasaaraha dagaalkii maanta Gaalkacyo.

Gaalkacyo (Puntland Post):- Ka dib dagaal aad u qaraar oo maanta galbeedka iyo Koonfurta Gaalkacyo ku dhex maray Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan inuu dagaalku istaagay ka dib markii labada dhinac isku gabal dhacsadeen.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka cul culus iyadoona ay ka qeyb qaateen ciidamo lug ah oo ka kala tirsan dhinacyada dirirtu u dhaxaysay, Waxaana ka dhashay khasaare dhimasho , Dhaawac , Gadiid la gubay iyo Maxaabiis la kala qabsaday.

Puntland Post oo xiriiro toos ah la samaysay qaar ka mid ah saraakiisha ciiidanka Puntland, waxay guulo ka sheegteen dagaalkii maanta, Iyagoona sheegay inay jab xoog leh ugu geysteen ka dib markii ay weerar kusoo qaadeen ciidamo taabacsan maamulka Galmudug.

Maxamuud Axmed Ibraahim oo la hadlay Puntland Post ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay gaari ciidanka kumaandoosta Puntland dagaalkii maanta uga gubeen Galmudug, Sidoo kalena waxa uu sheegay in ciidanka Kumaandoosta Puntland ku qabsadeen dagaalkii maanta gaari takniko ah oo uu leeyahay maamulka Galmudug.

Maxamuud Axmed ayaa intaas ku daray inay isku soo dhiibeen ciidanka Puntland gaari takniko ah iyo 7 askari oo la socotay , kuwaas oo mid ahaa ciidamadii u dagaalamayay maamulka Galmudug.

Sarkaalkan la hadlay Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in guud ahaan uu gaarayo khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkii maanta dhimashada 2 askari , Wuxuuna hoosta ka xariiqay in maalinta beri ah warbaahinta usoo bandhigi doonaan haddii uu alle idmo guusha ciidanka Puntland ay ka gaareen dagaalka ay maanta  kula galeen ciidamo taabacsan maamulka Galmudug.

Dagaalkan oo la rumaysan yahay inuu ka duwanaa kuwii horey Gaalkacyo ugu dhex maray Puntland iyo Galmudug,Ma jiro ilaa iyo hadda war rasmiya oo kasoo baxay Puntland iyo Galmudug.

FG:- Sawirada hoos ka muuqda waa kuwo galinkii danbe ee maanta laga qaaday ciidanka kumaandoosta Puntland

111111 gaallacyo kumandaKala soco faahfaahinta iyo Sawirada saacadaha soo socda PUNTLAND POST