Ugaaska Beesha Xawaadle oo shuruudo ku xiray tagida Jowhar

Garowe (Puntland Post):- Waxaa ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble..

Ujeedada socdaalka waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle ayaa wararku sheegayaan inay la xiriirto sidii loogu qancin  lahaa inuu maalinta beri ah Jowhar uga qaybgalo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Khaliif Ugaas Xasan Xafladda Caleemo saarta masuuliyiinta Hirshabelle.

Kulamo maanta ku dhex martay Baladweyn Ugaaska Beesha Xawaadle,Siyaasiin kazoo jeeda Hiiraan, iyo Madaxweynaha Hirshabelle ayaa diirada lagu saaray sidii uu qeyb uga noqon lahaa maamulka Cusub, isla markaana uu uga qeybgali lahaa munaasabada caleemasaarka oo dhaceysa maalinta bari ah Jowhar Ugaas Khaliif Ugaas Xasan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wada hadalka labada dhinac uu marayo meel wanaagsan,Balse uu shuruudo hordhigay Ugaas Khaliif dhinacyada ka socda maamulka Hirshabelle, Kuwaas oo ay ka mid yihiin inuu door wanaagsan ku yeesho habka soo xulida Xildhibaanada Aqalka hoose iyo Kan Sarre ee Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya.

Ugaas Khaliif ayaa kala hadlay Madaxweynaha Hirshabelle inaan Muqdisho iyo Jowhar lagu soo xuli karin Xildhibaanada ka imaanaya Gobolka Hiiraan, isla markaana loo madax banaaneeyo isaga inuu soo xulo, maadaama uu ka mid yahay 135 oday.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan inay ka mid yihiin Shuruudaha Ugaas Xasan inuu ku yeesho miisaan muuqda xubnaaha Aqalka sare ee ka imaanaya Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo u arka inay ahmiyad gaar ah u leedahay ka qeybgalka Xafladiisa caleemo saarka Ugaaska Beesha Xawaadle  ayaa ku rajo wayn qancinta Ugaaska Beeshiisa.

Lama oga sida uu noqon doono is fahan dhex mara Maamulka Hirshabelle iyo Ugaaska Beesha Xawaadle, xilli lagu wado maalinta beri ah in magaalada Jowhar lagu qabto xaflada caleemasaarka Madxaweynaha cusub ee maamulka Hirshabelle.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST