Natiijada Doorashada ka socota Garowe ee Aqalka sarre

ghGarowe (Puntland Post):- Ka dib doorashada musharaxiinta u tartamaya aqalka sarre oo saaka ka bilaamatay magaalada Garowe ayaa inta badan waxaa ku guulaystay doorashada rag miisaan ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya, Haddaba hoos ka akhriso Natiijada xubnaha ku guulaystay inay Puntland u matalaan aqalka sarre ee baarlamanka Soomaaliya.

Kursiga 1aad.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa 47 cod uga guulaystay Aamino Aadan Cabdulaahi oo heshay 17 cod, waxaana xumaaday 1 cod, waxaana sidaas ku guulaystay kursigii 1aad Cumar Cabdirashiid .

Kursiga labaad waxaa ku tartamay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo helay 59 cod halka uu helay Cabdimahdi Abshir Cismaan oo ahaa musharaxii la tartamay 5 cod, Waxaana xumaaday hal cod.

Cabdirasaaq Xasan Cismaan (juurile) iyo Hodan Ismaaciil ayaa ku tartamay kursiga saddexaad, waxaana dhex maray labadan musharax loolan aad u adag, Wuxuuna Prof Juuriile hal cod uga guulaystay gabadhii la tartamaysay oo magaceeda la yiraahdo Hodan Ismaaciil oo heshay 32 cod

gggKursiga 4aad waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ah Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo ah siyaasi ruugcadaaya iyo Farxaan Cali Xuseen, Waxaana ku adkaaday Farxaan Cali Xuseen oo helay 36 cod halka uu helay Siyaasi Cali Ismaaciil Cabdi Giir 29 cod.

Kursiga shanaad doorashada aqalka sarre  ee maanta ka qabsoontay Garowe waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Cabdisalaan Maxamuud Xaaji Dheere iyo Faarax Cawad Jaamac , Waxaana 50 cod ku guulaystay Cabdisalaan Maxamuud Xaaji Dheere , Ka dib markii uu helay musharaxii la tartamayay 15 cod.

Siyaasi Bootaan Bare Samatar ayaa dhulka ku jiiday Jenaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, ka dib tartan furan oo labada musharax ku dhex maray xarunta baarlamanka Puntland ee magaalada Garowe ,Musharax Bootaan ayaa helay 38-Cod, halka uu helay Jenaraal Moorgan  27-Cod.

ddMahad Sheekh Nuur ayaa 36 cod uga guulaystay Cabdixakiin Axmed Xaashi oo helay 29 cod , Halka ay uga guulaysatay 35 cod Hodan Maxamuud Cismaan oo ah gabadhii 1aad ee loo doorto inay Puntland u matasho aqalka sarre Basra Maxamuud Geele oo heshay 30 cod.

Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc iyo Faadumo Siciid Maxamed ayaa ku tartamay kursiga sagaalaad , waxaana 56 cod ku guulaystay Maxamuud Axmed Maxamuud , Halka ay heshay Faadumo Siciid Maxamed 8 cod oo kaliya

siciid-xusseen
                Siciido Xasan

Guusha Xildhibaan Siciido Xassan Cismaan waa mid baal cusub u rogaysa Haweenka Soomaaliyeed, Madaama caawa fiidkii saddex Musharax oo Rag ah oo kula tartamay Aqalka Sare, kaga guulaysatay Codad Aqlabiyad leh ka dib markii ay la gashay Siciido Xasan saddex wareeg oo tartan Adag ah, waxayna aakhirkii ku guulaysatay oo heshay Siciido Xasan 41 cod.

Hoos ka daawo Sawiradda Doorashada ka socota Xarunta Baarlamanka Puntland ee Garowe

large hdg gh ggg fd eed ddAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST.