Jaamacadda Muqdisho oo soo dhoweyn ugu samaysay Bosaso gudoomiyaheeda Cusub

Ujeedka kulankan ayaa ahaa mid lagu soo dhawaynayey Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyah Jaamacada Muqdisho Dr,Maxamed Ibraahim Mursal oo uu ka mid ahaa Madax qorshaynta iyo xiriirka jaamacada Muqdisiho.

Munasabadan oo lagu qabtay hoolka jaamacada ayaa waxa ka qab galaya gudoomiyaha jaamacadda Muqdisho fareceeda Boosaso Cabdilaahi Sheekh Xasan, Macalimiinta wax ka dhigta jaamacadda Muqdisho iyo Aradyda dhigata jaamacadda.

Maamulaha Jaamacadda Muqdisho faraca Bosaso oo ugu horayn ka hadlay goobta ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedka munasabadan isagoona sheegay in ay tahay mid lagu soo dhawaynayey gudoomiyaha jaamacadda Muqdisho Dr Maxamed Ibraahim Mursal farxadna ay u tahay in uu lakulmo ardayda jaamacadda Muqdisho faraceeda Boosaso .

Madaxa qorshanta iyo tayeynta jaamacadda Muqdsiho Aadan Axmed Xuseen ayaa sheegay in ay faraxad u tahay in maanta uu yimaado jaamacada Muqdisho oo uu hore uga ahaa gudoomiye islamarkaana uga mahd celiyeyey maamulka jaamacda Muqdsiho fareecda Boosaso hawsha mihiimka ah ay jaamacadda ka hayaan.

Maamulaha jaamacadda Muqdsiho Dr Maxmed ibraahim Mursal ayaa dhankiisa uga mahad celiyeye qaabka quruxda badan ee maamulka jaamacadda Muqdisho iyo ardayda dhigata jaamacadda ay u soo dhaweeyen waxaana uu ka sheekeyey heerka ay jaamacadu ka taagan tahay jaamacadaha ku yaala Soomaaliya .

Qaar ka mid ah macalimiinta iyo ardayda dhigata jaamacadda Muqdisho oo ugu dambayn ka hadlay munaasabadda ayaa dhankood soo dhoweeyey gudoomiyaha jaamacadda Dr Maxmed Ibraahim Mursal iyo waftida uu hogaaminayey oo ka soo ambabaxay Magaaladda Muqdisho.

Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn Soomaaliya ayaa xarumo kala duwan ku leh gobolada dalka Soomaliya.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15