Askari Kenyan ah oo Al-Shabaab Gacanta ugu jira oo Fariin soo diray

Loanard Maingi Kiiyo
Loanard Maingi Kiiyo

Askari lagu magacaabo Loanard Maingi Kiiyo oo ka tirsan ciidamada milateriga Kenya  oo Ururka  Al-Shabaab  ay ku qabteen weerarkii Ceel Cadde ayaa fariin muuqaal ah oo uu soo diray ku dalbaday in la badbaadiyo lagana sii daayo Ururkaasi.

 

Askarigan Kenyan-ka ah ayaa sheegay inuu fariin u diraayo Madaxweynaha Kenya, ehelkiisa iyo dadka waxgalka ah ee kunool dalka Kenya, Xildhibaanada, isaga oo ka dalbaday inay ka shaqeeyaa sidii loo sii deyn lahaa.

“Magaceyga oo dhameystiran waa Loanard Maingi Kiiyo. Waxaan ahay muwaadin Kenyan ah, waxaan 1976-kii ku dhashay deegaanka lagu magacaabo Tulimani oo ka tirsan qeybta booni ee iyadana taabacsan degmada Makueni. Waxaan ciidamada Kenya ku soo biiray sanadku markuu ahaa 1997.”

”Fariinteyda ugu horeysa waxaan u dirayaa qoyskeyga iyo qaraabadeyda guud ahaan. Waxaan doonayaa in aan u sheego in aan jeclahay oo aan u duceeyo, iyagana aan ka rajeynayo in ay ii soo duceeyaan. Maxbuus ahaan rajada kaliya ee aan leeyahay waa iyaga, Waxaan ka codsanayaa in ay aadaan Odayaasha dhaqanka, Kaaba-qabiilada, gudiyada, xildhibaanada,Senatarada, iyo gudoomiyeyaasha gobolada oo ay ka dalbadaan in ay kala shaqeeyaan sii deynteyda iyo sidii aan xuriyadeyda ku heli lahaa. Xaqiiqdii waxaan ku jiraa xaalad xun oo rajo beel ah, waxaana doonayaa in aan dib ugu soo noqdo Kenya. Ayuu yiri Loanard Maingi .

”Uhuru Kenyatta, mudane madaxweyne adiga ayaa ah Abaanduulaha guud ee ciidamada Kenya, waxaana raacnaa awaamiirtaada haddii aan nahay ciidanka, waxaan qaadanay towjiihaadkaaga, waxaana ka gudubnay xuduudda oo waxaan galnay Soomaaliya, ka dibna waxaan aadnay magaalada Ceel-Cadde, halkaas oo ay nagu soo weerareen Al-Shabaab 15-kii January ee sanadkan 2016-ka, Waxaan isku daynay in aan is difaacno laakiin waa nala jabiyey, hubkeeniina gacanta ayaa lagu dhigay. In ka badan 100 askari ayaa la dilay, Aniga iyo koox saaxiibadeyda ahna nolosha ayaa lagu qabtay, hadana waxaan nahay maxaabiis marka mudane madaxweyne adiga ayaa leh awood iyo sharciyad buuxda oo aad ku xaqiijin karto in aan ka soo baxno jeelka Al-Shabaab ee Soomaaliya, Waxaan kaa codsanayaa mudane madaxweyne adiga iyo dhamaan hogaanka dowlada Kenya in aad dib uga fikirtaan mowqifkiina” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Loanard Maingi Kiiyo.

PUNTLAND POST