Ciidamada Puntland iyo koox lagu tuhunsan yahay Al-shabaab oo ku dagaalamay duleedka Gaalkacayo

Gaalkacayo(Puntland Post)-Ciidamada Puntland ayaa xalay saq dhexe weerar ku qaaday meel dhanka Bari kaga beegan Magaalada Galkacayo laguna magacaabo jeexdin, xigtana dhinaca koonfur Bari Gaalkacayo markii halkaas lagu sheegay koox ku hubaysan gadiidka dagaalka oo halkaas soo gaartay.

Kooxdan hubaysan oo lagu tuhunsan yahay inay katirsan yihiin Al-shabaab ayaa Ciidamada kula dagaalamay halkaas, waxayna wararku shegayaan inay Ciidamada Puntland kooxdaas ka gubeen hal gaari, mid kalena ay gacanta ku dhigeen, iyadoo kooxdii hubaysnayd dib loo riixay.

Illa iminka Dawlada Puntland wax wara kama soo saarin iska hor imaadkan ka dhacay Gobalka Mudug, sidoo kale Al-shabaab kama aysan hadlin, waxaase laga dareemay Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobalkaas iyo degaanka uu iska hor imaadku  ka dhacay.

Ciidamada Puntland ayaa si aada ugu jabiyey kooxda Al-shabaab Bishii Maarso sanadkan markii koox aad u hubaysan oo daacad u ah Al-shabaab kasoo degeen xeebaha Gobalada Mudug iyo Nugaal.

Wixii kaso kordha kala soco Puntland Post