Allaha u naxariisto Wariye C/Casiis Haaji oo Muqdisho lagu Aasay

Allaha u naxariistee Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Ex Wariye C/casiis Cali Xaaji oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgala Idaacada Shaballe Ee magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuum WariyeXaaji Ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta iskool Baloosiyo Degmada Xamar Ja Jab ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka soo qeeybgalay Bahda saxaafada, ehalada Marxuumka iyo Masuuliyiin katirsan Dowlada Somalia.

Agaasimaha Idaacada Shabelle Abuukar Sky Ayaa sheegay in Ay Aad uga Xunyihiin Dilka loogeeystay wariyahooda isga oo ku Baaqay in Baaritaan lagu sameeyo kooxihii dilka geeystay.

Dhanka Kale Xog-hayaha ururka Saxaafiyeenta Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Maxalimoo oo isna Goobta aaska ka hadlay ayaa Saxufiinta Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geeridaasi Ka tumid Marxuum Xaaji.

ugu Dambeeyntii Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ay Sameeyn Doonaan Baaritaano ay ku soo qabanayaan Kooxihii Dilkaasi Geeystay.

1 8 7 6 5 4 3

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Hoos ka dhageyso Warbixin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho