Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid oo su,aalo lagu waydiiyay Garowe

Garowe (Puntland Post):- Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa uga qayb galay magaalada Garowe kulan su,aalo ay ku waydiinayaan bulshada rayidka oo ay soo qaban qaabisay Dallada Ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA ,waxaana kasoo qeyb galay kulankan oo ahaa dood furan oo lagu qabtay xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC ,Aqoonyahano matalaya bulshada rayidka,Macalimiinta Jaamacadaha,Dhalinyaro,Culimo udiin,Haween iyo Ganacsato.

Cali Faarax Farmayeeri oo ka mid ah masuuliyiinta Hay,adda Cilmi Baarista PDRC ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid aqbalaada codsiga su,aalaha ay ku waydiinayaan dad matalaya bulshada rayidka .

Guddoomiye K/xigeenka Dalladda Punsaa Saynab Ismaaciil  Maxamuud ayaa sheegtay ujeedadii kulankan looga gol lahaa ay ahayd sidii ay bulshadu macluumaad faahfaahsan uga heli lahaayeen hanaanka geedisocodka doorashooyinka dadbadan ee lagu soo dooranayo Xildhibaanadda Gollaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Qoondada Haweenka iyo Sidii ay fursad ugu heli lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshadu inay su,aalo ku waydiiyaan Raysal wasaaraha.

Ka hor intii aanan su,aaluhu bilaabmin Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa khudbad kooban oo uu jeediyey uga hadlay sidii uu ku bilowday hanaanka geedi socodka doorashooyinka dadban ee 2016 oo uu sheegey intii uusan xafiiska imaan aanan jirin wax diyaarsan,Is qab qabsi ka dhex jiray Xukuumada iyo Madaxweynaha.

dsc9868Waxa uu sharaxay qoondada haweenka oo uu sheegey in la siiyay labada aqal ee Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya tiro dhan 30% taas oo uu sheegey inay dhigayaan go,aanadii kazoo baxay madasha wada tashiga Qaran ee lagu qabtay Muqdisho.

Mar uu ka hadlayay Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Arrimaha Doorashada wuxuu hoosta ka xariiqay  in dalka ay doorashadu ka dhacayso xilligii loogu talo galay , islamarkaana marka la gaaro 2020 dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo codkii ah.

Waxaa kale oo uu ka hadlay musharaxnimadiisa doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ee 2016,Wuxuuna sheegey haddii Madaxweyne loo doorto inuu u horseedi doono Soomaaliya Isbedel iyo horumar sidatan ka wanaagsan .

Qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay kullanka ayaa gaba-gabadii Ra’iisul wasaaraha Su’aalo ka weydiiyey arimaha ciidamada, Musuq maasuqa, Qoontada Haweenka, soo xulista labada Aqal iyo waxyaabaha uu qaban doono hadii uu ku guulaysto xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya

5i2a3970 5i2a3976 5i2a3977 5i2a3979 5i2a3995 5i2a4002 5i2a4003 5i2a4005 5i2a4006 5i2a4018 5i2a4036 dsc08451 dsc08456 dsc08460 dsc09835 dsc09836 dsc9863 dsc9871 dsc9884 img_9812 img_9814 img_9818 img_9819 img_9831 img_9832Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST