Puntland oo baahisay dadkii ka dambeeyey Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

Madaxtooyadda Puntland ayaa warbaahinta soo gaarsiisay qoraal ay ku baahisay dadkii ka dambeeyey Qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Galkacyo.

Qoraalka Madaxtooyaddu soo saartay ayaa u qornaa sidan:

Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha amniga ee Puntland in ay soo qabqabtaan dhagar qabayaasha kooxda alshabaab ee geystey falkii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka.

Falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay ku burburtay hanti tiro badan.

Haddaba waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa qayb ka mid ah sawirrada iyo  magacyada dhagar qabayaasha Al-shabaab ee falkaasi waxashnimo ee ka dhacay xarunta dawladda Hoose iyo suuqii ganacsiga ee Xero dayax geystey.

Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED”

n2Da’diisa: 40-45 sanno jir.

Ku dhashay Gaalkacyo.

Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad.

Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.

 

Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ”

WantedDa’diisa: 45 sanno jir.

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle.

Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Alshabaab ee Gobolka Mudug.

 

 

Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf

Ku dhashay: Gobolka Mudug.

Beeshiisa: Dir/ Qubeys.

Cabdishakuur Mire.

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.

Muxiyadiin Dakharre.

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle.

Sidoo kale waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa magaca dhagar qabihii isku qarxiyey xarunta dawladda hoose ee Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, kaas oo gaadhigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey, Faahfaahintiisana hoos ka akhriso.

Cabdullaahi Fanax

Da’diisa: 22 Sanno Jir.

Ku dhashay Ceel-waaq

Beeshiisa: Marreexaan/ Uur midig.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.Wanted Wanted1