Ururka SAMAFAL oo maanta deeq gaarsiiyay Isbitaalka Garowe

Ururka SAMAFAL oo ah  urur ka shaqeeya horumarinta arrimaha bulshada ayaa maanta gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaalada Garowe deeq loogu tala-galay 150 haween ah oo laga daweynayo xanuunka Isku furanka haweenka islamarkaana qaliimo lagu samaynayay maalmihii lasoo dhaafey .

Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa uga mahad celiyay deeqda  maanta uu keenay ururka Samafal Isbitaalka guud ee magaalada Garowe, wuxuuna ugu baaqay shacabka Puntland inay si la mid ah ugu gurmadaan waxyeelo isbitaalka Gaalkacyo kazoo gaartay qaraxii ismiidaaminta ee dhawaan lala beegsaday suuqa Dayax ee Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Ururka SAMAFAL  Faadumo Diiriye Nuur ayaa sheegtay inay deeqdan ka kooban tahay 100 go, ama maryaha la huwado Islamarkaana uu ugu tala-galay Ururka Samafal Development Organization haweenka laga daaweynayo xanuunka isku furanka ee ku dhaca dumarka.

Maamulka isbitaalka Garowe ayaa si rasmiya uga gudoomay deeqda uga timid ururka SAMAFALE ee Horumarinta Samafalka , Iyadoona mid mid ay isu dul-taagtay Faadumo Diiriye oo ah gudoomiyaha ururkan dhamaan bukaanada yaala Isbitaalka Garowe.

Daawo Sawirada.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 23 24 25 26Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST