Shacabka Garowe oo talo u diray gabdho Isbitaal dhisaya

Shacabka ku nool magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa aragtidooda uga dhiibtay barnaamij Idaacada Garowe diirada ku saarayso qorshaha Isbitaal hooyada iyo dhalaanka uga dhisayaan xaafadda Waabari Gabdhaha Gobolka Nugaal ee kala jooga dibada iyo gudaha .

Dadka ka qayb galay barnaamijkan oo ahaa kuwo khadka telefonka kusoo hadlaya ayaa soo dhaweeyay firkadan, balse waxay kula taliyeen gabdhaha gobolka Nugaal inay qorshahooda u wareejiyaan Isbitaalka guud ee magaalada Garowe oo ay sheegeen dadka ka qayb galay barnaamijka inuu u banaan yahay dhul baaxad leh oo looga maarmi karo in looga dhiso meel kale Isbitaal cusub .

Waxayna kusoo beegmaysaa talada shacabka Garowe u direen gabdhaha gobolka Nugaal ka dib markii labo maalin ka hor ku shaaciyeen gabdhuhu munaasabad ay ku qabteen Garowe inay dhisayaan Isbitaal cusub oo loogu talo galay hooyadda iyo dhaqaalanka.

Dhagayso Ra,yiga Dadweynaha Garowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST