Iska hor’imaad Somaliland iyo Shacab ku dhex maray Gobolka Sool

Iska hor imaad u dhexeeya dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa maanta ka dhacay halka la yiraahdo”Kal-cad” oo ah deegaan hoos taga degmada Taleex ee Gobolka Sool ka dib markii ay halkaas tageen ciidamo ka tirsan Somaliland oo sida la sheegay galbinaya sanaadiiq codbixinta doorashooyinka maamulkaas.

Maamulka Somaliland ayaa shalay 24 Augusto, 2016 degmada Taleex ee gobolka Sool ka bilaabay diiwaangalinta codbixiyaasha doorashada maamulkaasi ka dhici doonta sannadka dambe xilli ay ku kala aragti duwan yihiin arrimahani bulshada deegaankaasi.

Goob jooge ku sugan nawaaxiga halka maanta lagu dagaallamay oo lagu magacaabo Cabdirsaaq Aadan Jeebbe sheegay in isku dhacaasi uu sabab u ahaa ka dib khasab ay ku doonayeen ciidanka Somaliland inay isku diiwaan galiyaan bulshada halkaasi ku nool.

Jeebbe waxa uu intaas ku daray inay ku wargaliyeen maamulka Somaliland inaysan ka mid ahayn Somaliland, Isagoona baaq u diray dowladda Federalka Somalia iyo Puntland oo uu sheegey inay ka tirsan yihiin bulshada ku nool halka uu iska hor imaadku maanta ka dhacay .

Mudooyinkan danbe Somaliland ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday deegaano ka tirsan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn xilli la doonayo in maamulkaasi ka hirgaliyo deegaanadaas diiwaangalinta cod bixinta doorashada Somaliland.

Dhagayso C/rasaaq Aadan Jeebbe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST