General Cali Samatar oo Aas Qaran Muqdisho loogu Sameeyay

Allaha u naxariistee Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay General Maxamed Cali Samatar oo Xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladiii Dhexe ee dalka Somalia.

Aaska Ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho oo Talis u ah Ciidamada Difaaca Dowlada Somalia.

Madasha Aaska ayaa waxa ka soo qeeybgalay Madaxweynaha Dalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Ra’isilwasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sh.Cismaan Jawaari.

Sidoo kale waxaa aaska Allaha u naxariiste Marxuum Cali Samatar ka soo qeeybgalay Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Masuuliyiinta ka qeeybgashay Aaska Marxuumka ayaa Eebbe uga baryay in uu janadii fardoowso aheyd uu ka waraabiyo Marxuumka.

Waxaa Xusid mudan in intii uu socday Aaska Guud ahaan la xiray Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho Shacabka Muqdishana ay cabasho ka muujiyeen.

1 2 3 4 56 7 8 9 10

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Office Muqdisho