DEG DEG: Qaraxyo iyo weeraro ka soconayo Magaalada Muqdisho

Qaraxyo  iyo Rasaas Toos ah ayaa iminka ka dhaceeysa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia.

Koox hubeeysan oo loo maleeynayo in ay katirsanyahiin Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus oo Qaraxyo ah ku qaaday Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho oo ay ku yaalaaan Goobo loo Dalxiis tago.

Goobjoogayaal ka agdhow Xeebta ayaa Goordhow ii sheegay in Ay maqleen Dhowr Qarax iyo Rasaas toos ah oo ay is weeydaarsanayaan Ciidamada Ilaalada u ahaa Goobta la weeraray iyo Kooxihii soo weeraray.

Caawa oo kale oo Jimco Ah Ayaa Dadka Reer Muqdisho waxa ay u caweeys Tagaan  Hoteelada ku Dhow Xeebta Liido ee Muqdisho.

Qasaaraha ilaa iyo iminka si rasmi ah looma sheegi karo waxaana wali la maqlayaa Qaraxyo iyo Rasaas .

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah .

Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho