Puntland oo qiimo dhimis u samaysay ganacsatada Qaadka

Dikreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne kuxigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland Cabdixakiin Cumar Camay ayaa loogu fasaxay Ganacsatada Puntland dhamaantood inay qaad kala soo degi karaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Qardho, waxaana loo sameeyay qiimo dhimis balaaran.

Sidoo kale Puntland waxay ku mamnuucday qoraalka dikreetadan gaadiid la sheegey inay qaad sharci daro ah keenaan , kuwaas oo la sheegay in loo joojinayo arrimo amni, Gaarigii gacanta lagu dhigana lala wareegi doono. Halkaan ka akhriso HaaAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST