Gudomiyaha Baarlamanka Puntland oo gaaray Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo wafdi uu hoaaminayo ayaa maanta  Aug 24, 2016 socdaal ku tagay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana si diiran usoo dhoweeyey guddoomiyaha iyo wafdigiisa masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland.

Socdaalka guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku salaysnaa sidii ay shacabka Puntland gaar ahaan bulshada Galkacyo ugu tacsiyeyn lahaayeen isla markaana ula qaybsan lahaayeen murugada iyo dhibaatadii ay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab u geysteen shacabka Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa booqday goobtii ay qaraxyadu ka dheceen ee gudaha Gaalkacayo, wuxuuna tilmaamay isagoo ay weheliyaan wasiiro, xildhibaano iyo wafdigii la socday inay ka xun yihiin dhibaatadii loo geystay shacabka Gaalkacayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa saxaafadda kula hadlay goobtii qaraxyadu ka dheceen wuxuuna tacsi u diray guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan bulshada Gaalkacayo, isagoo sidoo kale tilmaamay in dhibaatooyinka ay geystaan kooxda dhagar qabayaasha ah ee Al-shabaab in aysan ka hor istaagi doonin masuuliyiinta iyo shacabka Puntland inay dalkooda dib u dhisaan, isla markaana ay dagaal la galaan argagixisada
Al-shabaab.

Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in si wada jir ah looga qayb qaato dib u dhiska hantidii ku burburtay weerarkii Gaalkacayo kaasi oo khasaare baaxad leh geystay.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ku sugnaan doona magaalada Gaalkacayo maalmaha soo socda, isla markaana waxay isaga iyo wafdigiisu si dhab ah u qiimeyn doonaan dhibaatooyinka naf iyo maalba leh ee ay geysteen weeraradii ay soo qaadeen argagixisada Al-shabaab oo ahaa qaraxyo kala duwan, waxaana la guda geli doonaa in si deg deg ah dayactir loogu sameeyo hantidii bur burtay.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

IMG_3789 IMG_3799 IMG_3805 IMG_3809 IMG_3817 IMG_3822 IMG_3830 IMG_3832 IMG_3836 IMG_3857 IMG_3861 IMG_3863 IMG_3872 IMG_3884 IMG_3887 IMG_3897 IMG_3901 IMG_3903 IMG_3906 IMG_3908 IMG_3910 IMG_3916 IMG_3927 IMG_3931 IMG_3933 IMG_3935 IMG_3937 IMG_3940 IMG_3943 IMG_3944 IMG_3946 IMG_3948 IMG_3952 IMG_3957 IMG_3961 IMG_3963 IMG_3965 IMG_3968 IMG_3970 IMG_3982 IMG_3984 IMG_3991 IMG_3996 IMG_3998 IMG_4000 IMG_4003 IMG_4006 IMG_4009 IMG_4019 IMG_4026 IMG_4027 IMG_4030 IMG_4034 IMG_4040 IMG_4041 IMG_4042 IMG_4043 IMG_4046 IMG_4047 IMG_4051 IMG_4059