Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madaxda Dalka Itoobiya

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf oo hawlo shaqo oo muhim ah u jooga dalka Itoobiya ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubno ka mid ah madaxda ugu sarraysa dalka Ethiopia.

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaashaan dhigga dalka Itoobiya SIRAJI FERGESSA, waxaana ay Madaxweynaha iyo wasiirku ka wada hadleen sidii laysaga kaashan lahaa ka hor tagga kooxaha aragagixisada ah ee kusii xoogaysanaya geeska Afrika iyo sidii ay dawladda Itoobiya gacan uga geysan lahayd taba baridda ciidanka Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa dawladda Itoobiya kala hadlay in ay gacan ka geystaan dedaallada lagula tacaalayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii bahal-nimada ahaa ee  dadkii shacabka ahaa lagula bar-tilmaameedsaday magaalada Gaalkacyo, sidoo kale waxa ay labada dhinac ka wada hadleen in la dhammaystiro hawlaha qabyada ka ah kastamka Tuurdibi ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay ganacsato kasoo jeeda dalka Shiinaha kuwaas oo Qaaradda Afrika ka hirgeliyey maal-gelin aad u ballaaran, waxaana uu Madaxweynuhu u sharraxay ganacsatadaan fursadaha maal-gashi ee ka jira Puntland iyo siyaasadda ay dawladda Puntland u dejisey hannaanka maalgashiga caalamiga ah.

Ugu dambayn Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulan qado sharaf ah la qaatay Madaxweynaha dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee dawladda Federaalka Itoobiya Cabdifataax Cabdullaahi, Maayorka Degmada Dirir dhaba Ibraahim Cismaan Faarax iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Itoobiya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed