Jaamac Dhahar oo ku geeriyooday magaalada Garoowe

Garowe (Puntland Post):-Waxaa magalada garoowe ku geeriyooday habeenimo isniin ah taariikhduna ahayd 22/08/2016 Marxuun Jaamac Xaaji Nuux Cali “Jaamac dhahar” oo la rumaysan yahay  inuu ka mid ahaa dadka ugu faca-wayn deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Somalia

Taariikhda marxuunka ,Jaamac Xaaji Nuux Cali , Jaamac dhahar

Marxuumka ayaa  ku dhashay degmada Bendar-beyla ee Gobolka Karkaar ,sanadkii 1907 xaafadda Golon , wuxuuna ku geeriyooday isagoo jira da,da 109 sano (Boqol iyo Sagaal sanadood).

Marxuunku wuxuu ku qaatay noloshiisa , Degmada qadiimiga ah ee  Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal, isagoona ahaa ganacsade ka ganacsada Xoolaha , Dhagaha libaaxa, Kaanbaha , Kalluunka , Sidoo kalena wuxuu ahaa xubinta Gudoomihii iskaashatada kallumaysatada Degmadda Eyl (bedey) Somalia,

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa odoyaashii rasmiga ahaa ee Degmadda Eyl Somalia ,Allaha u naxariisto marxuunku , wuxuu khabiir ku ahaa, Badda Somalia, oo in muddo ah ka shaqeynayay.

Dhamaanteen marxuunka ehaladii  iyo qoyskii uu ka tagay waxaan ilaah uga baryeenaa inuu jannadii fardowsa  geeyo . isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo intii uu ifka uga tagay

Aamin                         aamin                                 aamin

TacsiSidoo kale marxuunka eheladiisa waxaa halkaan tacsi uga diraya dadka kala ah

  1. Haashim jaamac dhahar
  2. Yusuf jaamac dhahar
  3. Cali jaamac dhahar
  4. Cabdisalaam jaamac dhahar
  5. Caydaruus jaamac dhahar
  6. Faarax salad xaaji nuux
  7. Mohamed salad xaaji nuux
  8. Xildhibaan siciid maxamed salad kabtan
  9. Eng jaamac cumar xaaji nuux
  10. Dr Mohamed ali faarax
  11. Sh abdirisaaq xuseen ciise
  12. Prof abdiwali jaamac ciise
  13. Faadumo jaamac aadan
  14. Xaaawo jaamac dhahar
  15. Nuux jaamac dhahar
  16. Cabdi faarax xaaji nuux
  17. Faadumo Aw cabdi nuux
  18. Saahid maxamuud cabdi nuux

PUNTLAND POST