Gabdho Isbitaal ka dhisaya Garowe

Gabdho kasoo jeeda gobolka Nugal oo ku kala nool gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa galabta shaaciyay inay dhisayaan Isbitaal loogu talo galay hooyada iyo dhallaanka kaasoo ay sheegeen inay ka hirgalin doonaan xaafadda Waabari ee Caasumadda Puntland.

Kulan galabta ayay sidoo kale gabdhuhu ugu baaqeen bulshada inay ka qayb qaataan bixinta kharashka ku baxaya oo dhan $120,000 halka ay sheegeen inay gacanta ku hayaan ku dhawaad $80,000 oo dollar

Munaasabaddan ay soo abaabuleen xubnaha u istaagay dhismaha cusbitalkani ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaano, Duqa degmada Garowe, Siyaasiyiin, Xubno katirsan kuwa u ololeeya caawinta bulshada, Dhalinyaro iyo Haween.

Haweenka barnaamijkan khayriga ah u istaagay ayaa madasha kusoo bandhigay waxqabad ay samaynayeen muddooyinkii u dambeeyay, waxaana ay doorweyn kasoo qaateen biyo dhamin loo sameeyay dad tabaalaysnaa, dagaalladii ka dhacay gobolka Nugal iyo hormarro kale, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin sidii ay u taakulayn lahaayeen bulshadooda.

Qaar kamid ah xubnihii kasoo qayb galay ayaa gabdha gobolka Nugal ku ammaanay isku duubnida ay sameeyeen iyagoo xusay in gabdhuhu yihiin kuwii bad-baadiyay bulshada Somaliyeed mudadii lagu jiray dagaallada Sokeeye.

Mudane katirsan Barlamanka Puntland oo goobta joogay ayaa xusay in barnaamijkan u gudbin doono Xildhibaanada kale islamarkaana ay kasoo bixi doonaan kalintooda.

Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa xusay inuu muddo garab taagnaa Haweenka gobolka Nugal ee u istaagay kaalmaynta bulshada isagoo xusay inuu siiyay dhul ay ka dhistaan cusbitalka waloow gabdhuhu xuseen inuu ku yaraaday islamarkaan dhexdooda lacag iska aruuriyeen si booska loo ballaariyo.

Intii xafladdu socotay, waxaa xubnihii kasoo qayb galay ay iska aruuriyeen lacag ka badan $6,000.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 22Abshire Dhiirane

PUNTLAND POST