Tuulada Kala-beyr ee Gobolka Nugaal oo u dabaal-dagtay guul Ardo

Garowe (Puntland Post):- Magaalada Kala-beyr oo 60 KM u jirta Garowe ayaa lagu qabtey xaflad lagu dhiiri-galinayo Ardeyda Dugsiga hoose/dhexe/Sare ee Nageeye ka dib markii kaalinta saddexaad ka galeen barnaamijkii tartan iyo tacliin  Idaacadda Daljir ay ku tartan-siiyay 65 dugsiyo sare oo ku yaala Puntland.

Munaasabad oo isugu jirtey dhiiri-galinta ardeyda iyo dib u furista iskuulka ayaa lagu qabtey tuulada Kalabeyr waxaana  kasoo qeyb galay masuuliyiin uu ka mid yahay Suldaan Siciid Maxamed Garaase , Maamule ku xigeenka dugsiga sare ee Alwaxa oo ahaa iskuulkii ku guulaystey tartankii barnaamijkaas, Nabadoono, Qeybaha kala duwan ee bulshada Kala-beyr , Ardeyda Iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee tuulada Kala-beyr iyo Marti sharaf kale.

Maamulaha Iskuulka Nageeye Axmed Maxamed Yuusuf ayaa sheegey in dugsiga Kala-beyr la asaasay sanadkii 1975-tii halka dugsiga sare  la asaasay  2010 , wuxuuna sheegey  xilli uu 6 sano jirsaday dugsiga sare ee tuuladu inuu kaalin muhiim ka galay  tartan aqooneed uu la galay 30 dhigiisa ah oo ku yaala  deegaanada Puntland.

DSCN2555Nabadoon Cali Maxamed Xasan (Cali dhawaaq) oo ka mid ah Aas aasayaashii Iskuulka Kala-beyr ayaa uga tahniyadeeyay Ardeyda Iskuulkaas kaalinta ay ka galeen barnaamijkii tartan iyo tacliin ,wuxuuna kula dardaarmey ardeyda dugsiga sare ee Kala-beyr inay sii laba jibaaraan aqoontooda .

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo goob joog u ahaa munaasabada quruxda badan ee lagu qabtey tuulada Kala-beyr 12/08/2016 ayaa ku sababeeyey guusha Ardeyda dugsiga sare ee Nageeye inay ku timid wanaaga iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa bulshada ku nool deegaanka.

Suldaanka ayaa gaba-gabadii xaflada kula balamay Ardeyda inay laba jibaaraan dadaalkooda, Isagoona guud ahaan u rajeeyey qeybaha bulshada guul iyo horumar.

DAAWO MUUQAALKA XAFLADA

DAAWO SAWIRADA XAFLADA.

 DSCN2466 DSCN2465 DSCN2462 DSCN2485 DSCN2464 DSCN2476 DSCN2479 DSCN2463 DSCN2458 DSCN2455 DSCN2449 DSCN2451 DSCN2457 DSCN2431 DSCN2447 DSCN2427 DSCN2428 DSCN2445 DSCN2436 DSCN2418 DSCN2420 DSCN2417 DSCN2413 DSCN2416 DSCN2403DSCN2485 DSCN2487 DSCN2501 DSCN2502 DSCN2503 DSCN2506 DSCN2518 DSCN2520 DSCN2522 DSCN2531 DSCN2533 DSCN2537 DSCN2534 DSCN2542 DSCN2551 DSCN2553 DSCN2555 DSCN2579 DSCN2580 DSCN2595 DSCN2601 DSCN2602 DSCN2604 DSCN2609 DSCN2611 DSCN2612 DSCN2614 DSCN2616Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST