Ajnabi lagu soo qabtey howl-gal laga fuliyey Gaalkacyo

Gaalkacyo (Puntland Post):- Ciidamada la dagaalanka Argagixisada Puntland ee PSF iyo ciidamada DANAB ee dowladda Federalka Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa gacanta kusoo dhigay shan ka mid ah rag lagu tuhunsan yahay Alshabaab oo uu ku jiro sargaal sare oo ajnabiya Ka dib howl-gal laga fuliyey xaafada Baraxleey ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Howl-galkan ayaa la sheegey inay ciidanku qaadeen ka dib markii ay macluumaad ku saabsan ka heleen guri ku yaala koonfurta Gaalkacyo oo la rumaysan yahay inay ku noolaayeen rag ka tirsan Alshabab kuwaas oo sida la sheegey soo abaabuli jirey qaraxyo iyo falal amniga lid ku ah oo ka dhaca Gaalkacyo .

Ninka Ajnabiga ee lagu qabtey howl-galka maanta laga fuliyey Gaalkacyo ayaa lagu magacaabaa Siciid Cabdullaahi Abuubakar “Al Suudan”, wuxuuna u dhashay Dalka Suudaan, Iyadoona sida la sheegey uu u qaabilsanaa Alshabaab sameynta iyo isku xirka qaraxyadda.

Ammaanduulaha Ciidanka milatariga Soomaaliya S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa uga mahad celiyay ciiidamada Danab iyo ciidamada Puntland howl-galka ay ka fuliyeen Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in laga gaaray ujeedadii laga lahaa howl-galka.

12 11 10 9 8 7 6 5 4 3 Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST