Manchester United oo la Soo Wareegtay Pogba

Kooxda Manchester United ee horyaalka Premier League-ga ayaa shaacisay in ay la soo wareegtay laacibka reer france ee Paul Pogba iyadoo ka soo iibsatay kooxda  reer Talyaani ee Juventus.

Manchester United ayaa qiimo dhan 115 milyan oo doolar ku soo iibsatay  ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Pogba.

Pogba, oo 23 jir ah, ayaa saxiixay heshiis shan sanno ah, iyadoo ay xulashada xilli ciyaareedka lixaad ku xiran tahay isaga.

Pogba, oo 23 jir ah, ayaa saxiixay heshiis shan sanno ah, iyadoo ay xulashada xilli ciyaareedka lixaad ku xiran tahay isaga.

Paul Pogba ayaa noqona laacibkii ugu qaalisaa ee soo mara kubadda cagta oo lacag in taa dhan lagu gato, iyadoo iskoor kaas horey uu u haystay laabka Real Madriid ee Bile.

Pogba ayaa ka tagay United afar sano ka hor , lakiin Jose Mourinho ayaa ka shaqeeyay in uu dib ugu soo laabto Old Trafford.

Manchester  ayaa xaqiijisay in Pogba loo xiri doono maaliyada number 6 ee xilli ciyaareedka soo socda.

PUNTLAND POST