Qurba-joog lacag siisay Degmada Xaabo ee Puntland

Garowe-Puntlandpost )-Afhayeenka qurba joogta Puntland Cabdirasaaq Gosol, Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa qeybteeda Garowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac “Quraanjecel”  ayaa maanta wareejiyay lacag dhan 12 kun oo dollar oo Degmada Xaabo ee Gobolka Gardafuu Iskuul loogu dhisayo.

 $10,906 dollar oo ka mid ah lacagtan waxaa iska soo aruuriyay Jaaliyadda Puntland ee dalalka UK iyo Filand, Halka inta kalena laga soo aruurshey Ardeyda Jaamacadda bariga Africa faraceeda Garowe iyo Bosaso, Waxaana lagu wareejiyey lacagtan Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah guddiga gacanta ku haya dhismaha dugsiga Xaabo.

Beeldaajaha ayaa uga mahadceliyey cid walba oo gacan ka geysatay aruurinta lacagtan iskuulka loogu dhisayo degmada Xaabo oo baahi xaga waxbarashada ah ay ka jirtey in muddo ah , Isagoona sheegey inuu si rasmiya ugala wareegey guddigii loo soo wakiishay lacagta

Sheekh Maxamud Xaaji Yuusuf ayaa si la mid ah uga mahaceliyey qurbo joogtu dadaalka dheer ee ay u galeen aruurinta lacagta , Isagoona Alle uga baryey  inuu badal wanaagsan ugu bedelo tabaracooda.

 Afhayeenka Qurbo joogta Dowlada Puntland C/rasaaq Gosol ayaa u mahadceliyey Qurbojoogta ku nool UK iyo Filand , Isagoona taas bedelkeeda ugu baaqay qurbo joogta kale  inay soo dhamaystiraan inta hartey oo ah buu yiri 18 kun oo dollar.

Si gaar ah wuxuu afhayeen Gosol ugu mahadceliyey dadka kala ah .

  1.  Cumar Gureye Kaarshe
  2. Aadan Shire
  3. Deeq Diiriye
  4. Sahra Salax
  5. Shukri Daahir Sallaad
  6. Ismaaciil Ahmed Qaalib
  7. Abwaan Abdinuur Aadan faarax Iyo Culimada Masjidka Rahma ee Dalka UK.

Daawo Sawiradda

  5 6 7 9 10 11 12 15 17 18 19 20 21 indexAbshir Abdulaahi (Dhiirane)

Xafiiska Wararka Garowe

Puntlandpost.com