Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LIII) 53aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Fall
 Waxaa dhibaata ah qofka haddii uusan khaladaadkiisa wax ka baran, qof kasta oo ka mid ahaa dadkii soo galay siyaasaddii burbur ama wuxuu ahaa mid ay dadka iyo mujtamaca iska soo hor mariyeen iyagoo sidaa bidaya inay ka badbaadayaan inuu dhexdooda dhibaato dhigo ama wuxuu ahaa md si khaldan o oil-duufuusan ka marnayn laysaga soo hor mariyay, dhammaan dadkii layskii soo hor mariyayna waxay ku noqotay filan-waa inay iyagu noqdeen hoggaankii ummadda kumana aysan kalsoonayn inay sii joogi karayaan, sidaa daraadeed si ay u sii joogaan waxay ka shaqeeyeen labo arrimood oo keliya oo ah; inay ummadda Colaad iyo dagaal ku hayaan ama hanta iyo xoolo ka sameeyaan si ay waligood xoog ummadda ugu haystaan, waayo waxay in badan oo iyaga ka mid ah tuhunsanaayeen inaysan mudnaan ay leeyihiin aysan heerkaas ku soo gaarin, waxayna si dadban iyo toos ahba bulshadii uga dhex ugaarsadeen oo ka dhameeyeen nin kasta oo ay ku tuhmayeen in bulshada mudnaan uu ku dhex leeyahay, sida Odayaashii Mudnaanta lahaa, Culummadii, iyo Wax-Garadkii….

 

Arrintan waxay ku tusaysaa sababta ugu muhiimsan oo aysan u suuroobayn in dad tayo leh ay hoggaankii iyo talladii dalka qabtaan, waxay ku tusaysaa sababta nin waziir ah oo dowladdii  xubin ka ah xukuumaddeda uu dal kale shaqaale ugu noqonayo oo uusan waliba u dareemayn wax ceeb ah ama yaxyax haba yaraatee, waxay ku tusaysaa sababta uu nin shisheeye ah ugu soo dhiiranayo inuu shaqaalaysto waziirkii dhammaa ee dowladda, waxay ku tusaysaa sababta ninka xil-dhibaanka ah uusan u ogeyn inuu wakiil ka yahay dad-weynaha…..markii nimankii waziirrada ahaa ee dalka khayaannay maxkamad la saari waayay, markii xataa shirarka la cambaarayn waayay ama golayaashaa shirarkooda laga sheegi waayay oo la ceebeyn waayay….maxaad u qaadan karaysaa arrintaas?!

 

Qabqablayaashii Muqdisho, markii laga soo adkaaday sidii rag dowladda ka mid ahaa bay u soo baqdeen Baydhabo! Waa dadaalay Geeddi oo xilkii buu ka qaaday, laakiin qaynuun ahaan waxay ahayd in la xiraa oo maxkamad loo diyaariyo, haddii waxyaabo kale loo xeeriyay oo aan maxkamad la soo taagayn waxay ahayd in laga xayuubiyo haybadda ay huwanyihiin ee xil-dhibaanimmada oo aan laga yeelin inay barlamanka iska soo fariistaan sidii gurigoodii….laakiin aaway dadnimmadaas?!…

 

SHariif Xasan SHiikh, Af-Hayeenkii waxaa ku dhacay cabsi weyn, wuxuuna ka xummaaday in saxiibbadii laga soo adkaaday, hubkoodii laga qabsaday, ciidankoodii kala tegay, xataa intaas markay dhacday haddii uu dowladda la heshiin lahaa waxay ahaan lahayd xoogaa horumar ah, waxayna dhiiri gelin u ahaan lahayd golaha fulinta oo himmad dowladnimo gelin lahayd, shacabka Soomaaliyeed baa dareemi lahaa dowladnimo….Laakiin SHariif Xasan bedelkii taas wuxuu bilaabay inuu qorshe uu ku diyaarinayo si uu ula xulufoobo Ururkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, wuxuuna bishii November 7dii 2006 isa sii taagay magaallada Muqdisho, isagoo iska dhigaya inuu rabo inuu badbaadiyo wada hadalladii burburay ee u dhexeeyay dowladda iyo ururkii maxkamadaha….mar kasta oo aad fiiriso talaabada uu qaadayay SHariif Xasan SHiikh Aadan waxay mid uu kula dagaalayay dowladdii uu barlamankeeda Af-Hayeenka u ahaa!….

 

Waxaan wada garan karaynaa in dalka dowlad kasta oo qabanaysa xilligaas ay u baahnayd ciidamo garab gala ilaa iyo inta ay lugaheeda isku taagayso, dowladda Soomaaliyeed way ku baraarugsanayd inaan wax ciidan ah loo dhisayn ama aan loo qalabaynayn ciidan ay diyaarsatay, sidaas daraadeed intii aysan imaan ciidammadii lagu heshiiyay in dalka la keeno waxaa iyadoo xaaladda dowladdu ay adagatahay bishii September 25dii, 2006 magaallada Baydhabo si lama filaan ah u soo galay kumanaan ciidammada Itoobiya ah oo wata gaadiid ciidan oo boqolaal gaaray… ciidammada Itoobiya muddadaas ka hor bay Soomaaliya ku jireen, meelaha ugu muhiimsan oo ay ka hawl geli jireen oo ay dad shacab ah marar badan ku wax yeeleeyeen waxay ahaayeen; gobollada Hiiraan, Bakool, Bay, iyo Gedo….

 

Marka aad si miyir qab ah aad u fiiriso ciidmmada Soomaaliya yimid kuway doonaan ha ahaadaanee, Qabqablayaashii Muqdisho ka soo jeeday hal sabab bay ku diidanaayeen, dowladnimo iyo Soomaalinimana wax dan ah kama aysan lahayn oo waaba nimanka dalka inuu heerkaas soo gaaro sababta u ahaa, laakiin walaacooda u weyn iyo cabsida ay ka qabeen ciidmmada ay dowladda dalbanaysay wuxuu ahaa in wixii ay sameeyeenna aan loo qabsan, wixii ay haysteenna aan laga qaadin, hubkoodana ay isku ilaaliyaan, waxaa iyagana mid fikrddaas la mid ah qabay inta badan ganacsatada suuqa bakaarah oo iyagu badankood xoolahoodu ka soo jeedeen hanti dad-weyne ama dowladeed oo la boobay….

 

Hasa ahaatee diidmada Af-Hayeenka barlamanka  ee ciidmmada ayaysan dad badan u cadayn waxa ay ku salaysnayd, waliba isaga oo sida la ii sheegay ka mid ahaa ururkii RRA (Rahweyn Resistant Army) oo ay Itoobiya u soo taba-bartay ciidammadooda, waxaanse meesha laga saari karin shakiga ay dad badan qabeen oo ahaa inuu SHariif Xasan SHiikh Aadan uu lacag ka qaadan jiray ganacsatada Suuqa Bakaaraha isla markaasna ay iyaga ahaayeen kuwii bixiyay lacagtii loogu ololeeyay markii uu Af-Hayeenka barlamanka u tartamayay.

 

SHariif Xasan, sida ka muuqatay madax-weyne Cabdullahi Yuusuf iyo ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi labadaba waxay u qaateen nin mucaarada oo siyaasadda uga soo hor jeeday, waliba Cabdullaahi Yuusuf wuxuu isku dayay oo dadaal faro badan uu geliyay inay isu soo dhowaadan SHariif Xasan, waxaana dhab ah in SHriif Xasan SHiikh Aadan uu dowlad kasta oo soo dhisanta uu ka hor imaan lahaa isagoo ilaalinaya danah ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo kan Qabqablayaashii Muqdisho….laakiin mid iyadu way iska cadayd oo horaan u soo sheegnay inaysan jirin dowlad aan ciidan galbinayn oo Muqdisho imaan kari lahayd…..balse ma is weydiisay Ciidammada faraha badan ee xeebaha Soomaaliya degay iyagu ma ilaalinta nabad gelyada dowladda ayeey xeebaha u joogaan?!…..

Beri la soco….

PUNTLAND POST