Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LII) 52aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Wax weyn baa doorsoonaa, marka la eego sida ay saraakiisha aajnabiga ah ula dhaqmayeen dowladdii la soo dhisay, wax baa bedelnaa, xubnaha ka tirsanaa dowladda naf ahaantooda baa dareemayay in wax si yihiin, waxaa la soo gaaray heer ay soo dhamaatay daraasaddii lagu hayay guud ahaan dabeecadaheenna, sidaan u fekerno, waxaan aaminsannahay, waxaana la soo gaaray xilligii sidii laynoo bartay laynoola dhaqmi lahaa!…nin  ka mid ah ergeda shisheeyaha maalin igu yiri “wax ma ku weydiin karaana?” Si fudud oo aan waxba shaki iiga jirin baan u iri ” I weydii.”  Wuxuu igu yiri ” Hal nin oo fiican oo siyaasiyiinta Soomaalida ka mid ah ma ii sheegi karaysaa?” waxaan ka yaabay su’aasha siday iila qaab darantahay iyo sida uu ninku caadi u yahay markuu I weydiinayo su’aasha, anigoo aan wali jawaabin kana yaabban ujeeddada weydiintiisa buu I yir ” ma garan karaysaa sababta aan kuu weydiiyay su’aashaas, wax kale ma aha, siyaasiyiinta Soomaalida labo sano oo uu shirka socday baan ku dhex jiray wali mar keliya ma arag mid ka mid ah oo sheegaya ammaanta uu mid kale leeyahay!….”

 

Waxay taas ka mid tahay qiimaynta laynagu sameeyay, meel kasta waxaa keliya uu qof kasta dareemayo waxay noqotay in dagaal hor leh dalkii dib loogu ceshay, Marykanka iyo Itoobiya labaduba markii hore dalka waa joogeen, waliba danahooda bay u joogeen ee gargaar iyo dhiiri gelin saaxiibnimo oo ay ummadda siinayaan uma aysan joogin, Itoobiya iyadu xudduudda qoryo iyadoo wadata oo ciidan ah bay maalin kasta ka soo talaabaysay….Maxaakimtii Islaamiga ahaaayaa soo buuxiyay hareerihii magaallada xarunta u ahayd ee Baydhabo, isla maalmahaas gobolka Mudug iyo xudduudaha uay Soomaaliya la wadaagto Itoobiya ciidamo qalabkoodii u dhanyahay….

Siyaabo badan oo loo sheego soo gelinta ciidammada Itoobiya e dalka Soomaaliya inay tahay sax, waxaa marar badan la sheegaa in madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf uu keenay ciidammada Itoobiya, waxaa kaloon ognahay in June14, 2006, uu Af-Hayeenka barlamanka SHariif Xasan SHiikh Adan saxiixay waraaq uu ku oggolaanayo in ciidammadaas la keeno ka dib marki ay sidaas u codeeyeen golihii shacabka Riix si aad waraaqda u akhrisid, laakiin waxaas oo dhan waxaas oo dhan waxaa ka horeeyay soo gelitaanka Itoobiya iyadoo waliba dadna ku laynaysa qaarna ka xirxiraysa gudaha xudduudda Soomaaliyeed. Marka hebel baa keenay iyo hebel baa keenay waxay macno yeelanaysaa markaan annaga dhexdeena is eedeynayno…..laakiin Itoobiya waa la keenay, danteedaa keentay…..dowladaa keenay…..

 

SHiikh SHariif Axmed oo isagu ahaa gudoomiyhii Maxkamada Islaamiga wuxuu bishii September 2006 tegay dalka Djibouti isagoo markaas ka faa’idaysanaya xiriirkii gaarka ahaa ee ay lahaayeen Maxkamadaha Islaamiga iyo Djibouti, wuxuuna halkaas ka bilow olole xagga diplomats-yadda ah ee uu u sii maray xiriirka fiican ee ay la leeyihiin dalka Djibouti, wuxuuna ku guuleystay inuu la kulamay dalalka Carabta siiba dalka Qadar, isagoo cadaynaya mowqifka iyo ujeeddada Maxkamadaha. Dalka Qadhar ayaa isaga sida lagu bartay iska ah dal yar oo aad ugu dhex jiray arrimaha Soomaaliya, inta bandanna isagoo lacagihiisa isticmaalaya ka hor yimid dowladdii lana soo saftay Maxkamdihii isalaamiga ahaa……

 

DHinaca kale, Ismaaciil Cumar Geelle, madax-weynaha Djibouti ayaa ciyaariyay kaalin uu ku saleeyay khilaafkii isaga iyo ka dhexeeyay madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf oo isagu intuu ahaa madax-weynaha Puntland dhowr goor is dhaafsadeen eedeymo la xiriira siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aaddan arrimaha Soomaaliya, waxaas oo dhan waxay u ekaayeen wax laysku ogaa, oo bilow u ah sidii dowladda dhisantay meesha looga saaro, waxaana Djibouti ka bilodaw xiriir wada hadal dadban ah oo ay Qadhar iyo Djibouti ka dhex samaynayeen dowladda Maraykanka iyo hogaanka Maxkamadaha Islaamiga ahaa SHiikh SHariif Axmed, waxaana la dhihi kara sida lagu yaqaan dabeecadaha Sir-Doonka Maraykanka waqtiyadaas ayeey heshiis shakhsi ahaan ula gaareen SHiikh SHariif Axmed.

 

Dowladdii la dhisay ee Soomaaliyeed si walba cariiri aad u weyn bay la kulantay, waa marka hore Af-hayeenkii wuxuu noqday mid dowladdiisa la dagaalaya taasina waxay horseeday in mar kast ay dowladdu ahaato mid si weyn u kala qaybsan oo dhexdeeda uusan khilaaf ka dhamaanayn, dalalkii ay hiilka ka sugaysay oo iska gaabsaday markii ay arrimihii ay soo diyaariyeen ay arkeen in meelo kale laga maamulayo, markii ay arkeen in laga diiday cunqabatayntii hubka ee ay codsadeen in laga fududeeyo laga diiday….

 

Waxay arrintii iska noqotay in Itoobiya ay iyadu tahay dowladda muhiimka ah ee ammaanka Soomaaliya iyo nidaamkeeda dowladeed u madax banaan, waxaan kor u kacay talada ay ku leedahay arrimaha ka dhex socda barlamanka, golaha waziirrada, waxayna dowladdii noqotay mid magan u ah ciidammada Itoobiyaan ah, kuwaasoo ugu dambayntii bishii December28dii, 2006, ciidankii Maxkamadiihii islaamiga ahaa ka qabsaday magaallada Muqdisho….

Beri la soco….

PUNTLAND POST