Ra’isilwasaaraha Somalia oo Magacaabay Taliyaha Ha’ayada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia

Digreeto Ka Soo baxday Xafiiska Ra’isilwasaaraha Somalia Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa lagu magacaabay Taliyaha ha’adda Socdaalka iyo Jinsiyaha Xukuumada Somalia.

R/wasaaraha Ayaa Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  u Magacaabay Taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada soomaaliya.

Xilkaan Ayaa waxaa kal hore loogu qaaday Gen C/llaahi Gaafoow oo hadda Taliyaha ha’ada Nabadsugida Soomaaliya.

Koofi ayaa horay u ahaa Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir waxaana lagu xasuustaa dacadiyo isugu jirtay Xabsi iyo jirdil uu kula dhaqaaqay wariyaasha ku sugan Muqdisho.

Digreetadda Magacaabista ee ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha ayaa u qornayd sida tan.

 

11-2

Hoos Ka dhageyso Warbixin

Xafiiska Puntland Post Ee Muqdisho