Booliska Canada oo Toogtay muwaadin Soomaaliyeed oo Muddo Xabsi ugu jiray

Wararka laga helayo Magaalada Ottawa Ee Dalka Canada ayaa Waxa ay Sheegayaan in Booliska Dalka Canada ay Toogteen Muwaadin Soomaaliyeed.

Muwaadinka Soomaaliyeed Ayaa Lagu Maacaabaa Abdirahman Abdi Waxaana uu kamid ahaa Soomaalida ku Sugan Mudada Dheer Dalka Canada.

Niciimo Cali oo Kamid ah qooyska ayaa Warbaahinta u Sheegtay in Cabdiraxmaan uu Dhintay Si Deg Deg Ahna uu u dhintay.

dhimashada C/raxmaan oo 37 sano jir Ah Ayaa timid kadib markii ay booliska jirdilo xoogan ay u geeysteen .

Booliska ayaa durba u la cararay isbitaal kadib markii ay xumaatay Xaalada Muwaadinka Soomaaliyeed Taasi oo ugu Dambeeyntii Nasiib Daro uu halkaasi ku geeriyooday.