Wasaarada Amniga Somalia oo Soo Saartay Awaamiir Ka dhan Ah Shirarka Muqdisho lagu Qabanayo

Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada Somalia ayaa Soo Saartay Awaamiir Culus oo Dhanka amniga Ah oo ku wajahan Hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somalia.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in Wasaarada Amaanka Ay Soo Saartay Awaamiir lagu Xaqiijinayo Amaanka Hoteelada.

Afhayeenka ayaa Faray masuuliyiinta Hoteelada in Wasaarada Amniga lala soo socdsiiyo haddii Shirar Ay ka dhacayaan Hoteelada Muqdisho.

Arintaan Ayaa Dad badan Waxa ay u arkaan in Ay Tahay Mid Afka lagu Qabanayo Siyaasiinta , Odoyaasha ka soo horjeedo Siyaasada  Madaxweynaha Somalia.

Waxaa Fooda Nagu Soo heeyso Xiliga Dalka Lagu Qaban lahaa Doorasho Ayaa hadana Waxaa Magaalada Muqdisho aanan Laga dareemeeynin Diyaargaroowga Doorashada.