Masuuliyiin ka tirsan DFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay kooxda kubadda cagta Puntland

Muqdisho(Puntland Today) Wasiirro,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan soo dhaweyn ah u sameeyay kooxda kubadda cagta Puntland iyo masuuliyiinta horkacaysa.

Kulankan oo qado ahaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro uu ka mid yahay Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir) wasiirka Cadaaladda, Cali Jaamac Jeengali wasiirka duulista hawada DFS iyo masuuliyiin kale, ahmihadiisana waxaa lagu sheegay inay tahay kulan dhiiri galin ah oo kooxaha la doonayo in loo qabto.

Agaasimaha guud ee wasaradda ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhawaynta ay ka helaan masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ka tirsan, waxa kale uu sheegay inay tahay ahmiyadda halkan loo yimi sidii loo xaqiijin lahaa kor u qaadista xirfadda kubadda cagta iyo awooda ay ciyaartoyda Puntland u lee yihiin inay kasoo dhex muuqdaan ciyaaraha dalka.

Tigaana ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay koobka mamulada dalka hantaan ayna awoodeeda lee yihiin, Tababaraha kooxda Puntland Maxamed Ciiro ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhaweynta ay ka heleen dowladda Soomaaliya.

Wasiiradda kulankan qabtay ayaa dhankooda sheegay inay muhiim tahay in mar kasta la xoojiyo Soomaalinimada iyo walaalnimada, waxa ay sheegeen kooxda Puntland inay tahay koox soo bandhigtay kubad wanaagsan si la mid ah sidey usoo bandhigeen kooxaha kale ee koobkan kasoo qayb galay.

Kooxda Puntland ayaa usoo baxday Sama-fiinaalaha koobkan, waxay Sabtida waxa dheelayaan xulka matalaya Hiiraan/Shabaalaha dhexe, sidoo kale waxaa isku aadey Banaadir iyo Jubbaland.

13735305_675162335969905_949537607_n

13816874_675162339303238_1848701513_n

13819350_675162379303234_1439034183_n

13820440_675161652636640_1126343255_n

13820739_675161635969975_726567907_n

13820754_675161675969971_2119338715_n

13823260_675161612636644_760687761_n

0J1A0711

0J1A0702

0J1A0697

0J1A0695

0J1A0693

0J1A0689

0J1A0682

0J1A0675

0J1A0674

0J1A0669

0J1A0651

0J1A0647

0J1A0666

0J1A0662

0J1A0644

0J1A0660

0J1A0638

0J1A1059

0J1A0670
PUNTLAND POST