Warbixin: Madaxweynaha dawladda Puntland oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta xorriyadda iyo Midnimada

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta 01-July-2016 ugu hambalyeeyey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland 56-sano guuradii ka soo wareegtey xilligii ay gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-Luulyo-1960-kii isla markaana ay midoobeen gobollada woqooyi iyo gobollada koonfureed ee dalku.

Madaxweynaha ayaa xusay in maalintaasi ay tahay maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay tahay maalintii aynu hantinay xorriyadda iyo gobanimada aynu maanta ku naaloonayo, xorriyaddaas oo ahayd mid ku timi maskax iyo dhiig Soomaaliyeed oo u daatay.

“waxaan rabaa maanta in aan halkaan uga dirodadweynaha Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan gaar ahaan dadweynaha reer Puntland hambalyada sannad guurada 56-aad ee ka soo wareegtey maalinta 1-da Luulyo oo ah  maalintii gobollada koonfureed ee dalku ay qaateen xorriyaddooda ayna midoobeen  woqooyiga iyo Koonfurta dalku” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed ay muujiso dedaal xooggan oo lagu soocelinayo qarannimadii iyo dawladnimadii Soomaaliyeed ee awoodda lahayd  oo mar kale lasoo noqota sharaftii iyo karaamadii ay ku lahayd geeska Afrika iyo  guud ahaan caalamka.

“waa muhiim in aynu u dedaalno una dagaal galno si’ aynu soo ceshano dawladnimadeenii, sharafteenii, karaamadeenii, midnimadeenii iyo qarannimadeenii” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli.

Ugu dambeyn Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  Gaas waxa uu  Eebbe ugu baryey in uu ummadda Soomaaliyeed sannadkaan sannadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo, horumar iyo dawladnimo taam ah.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_8107