Warbixin:Madaxweynaha dalwadda Puntland oo kulamo ammaanka looga hadlayo la qaatay guddiga amniga gobolka Mudug

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo oo muhiim ah u jooga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa kulamo la qaatay guddiga amniga gobolka Mudug, maamulka gobolka, kan degmada Gaalkacyo iyo sariisha ciidanka.

Kulamadaan  uu Madaxweynuhu la qaatay laamahaasi kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee gobolka Mudug gaar ahaan xaaladda magaalada Gaalkacyo oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal argagixisanimo oo liddi ku ah ammaanka.

Madaxweynaha ayaa laamahaasi kala duwan kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa guud ahaan amniga magaalada Gaalkacyo isla markaana gacan bir ah loogu soo qaban lahaa sharcigana loo horgeyn lahaa  dembiilayaasha iyo daakooxaha sharwadayaasha ah ee xilliyada habeenkii ka geysta magaalada dilalka qorshaysan.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kulamo noocaan oo kale ah la yeelan doonaa waxgaradka gobolka Mudug iyo  qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee gobolka, waxayna kulamaadni socon doonaan ilaa inta laga xaqiijinayo  amniga magaalada Gaalkacyo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_8114