Madaxweynaha Sooomaaliya oo xuska 1-da July awgeed ubax dhigay taalada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Post) Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xuska 56 guurada xornimada iyo midnimada dalka awgeed ubax dhigay taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ubax dhigga kadib khudbad u jeediyay kumanaan qof oo goobta isugu yimid, ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabaddan qaran ee qiimaha leh, isagoo xusay lagama maarmaannimada midnimada iyo in laga faa’iideysto mirihii xorriyadda.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u dhis, dhinacyada siyaasadda, amniga , dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee muhiimka, si loo dhiso Soomaaliya cusub oo ka xorrowda khaladaadkii hore u aafeeyay dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidooo kale soo hadal qaadey warar beryahan qalabka warbaahinta la isla dhex marayey oo ku saabsan barnaamijka siyaasadda dowladda ee ku aaddan jinsiga ee dhowaan ay xukuumadda meel marisay.

“Beryahan waxaa jirey warar sheegaya in culumada ay ka xumaadeen qodobo ay sheegeen inay ku jiraan barnaamijka siyaasadda jinsiga ee dowladda. Dalkeena waa dal muslim ah 100%, sunni ah , hal mad-hab oo Shaafici ahna wada haysta. Marnaba suuragal ma ahan in dowladda iyo qof kaleba ay isku dayaan inay waddankan ka dhaqan geliyaan wax ka hor imaanayaa diinta Islaamka. Hadddii ay wax jiraan waxaa wanaagsan in marka hore la hubsado si xaqiiqda loo ogaado intaan warbaahinta la gelin warar aan la hubin” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Golaha Wasiirada iyo Golaha Culumada Soomaaliyeed ay shalay kulmeen, iskuna raaceen in la saaro guddi soo hubiya dukumentiga dowladda ee siyaasadda jinsiga, kadibna shacabka loo soo bandhigo natiijada ka soo baxda.

Dhanka doorashooyinka dhacaya sannadkan, ayaa Madaxweynaha waxaa uu si gaar ah baaq ugu diray odayaasha dhaqanka iyo haweenka Soomaaliyeed.

“Haweenka waxay door weyn ka qaateen xornimada iyo midnimada dalka, xilligii colaaddana waxay ahaayeen danjireyaashii nabadda raadinayey, isla markaana qoysaska quudinayay. Sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka inay garowsadaan muhimadda iyo doorka haweenka ee dhinaca siyaasadda lana xaqiijiyo inay goleyaasha qaranka ka helaan qoondada 30% ee loo go’aamiyay. Haweenka Soomaaliyeed waxaan iyaguna ugu baaqayaa inay midoobaan, siiba dhinaca siyaasadda, anigoo ku kalsoon inay kaalin weyn ka cayaari karaan dhismaha Soomaaliyada cusub”.
Ugu dambeyn, waxaa uu Madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u rajeeyay nabad, horumar iyo barwaaqo.

X1

X2

X3

X4

X5

X6

X7

PUNTLAND POST