Waa Kuma Garsooraha Dhex-dhexaadin Doona Kulanka Indhaha Caalamku Wada eegayaan Ee Germany Vs Italy Iyo Garsoorayaasha Kale Ee La Shaqayn Doona ?

Garowe-(Puntlandpost)-Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa garsooraha ree Hungary ee Viktor Kassai  u magacawday in uu dhex dhexaadiyo kulanka sida wayn loo sugayo ee sideed dhamaadka tartanka qaramada Yurub ee dhex mari doona xulalka qaramada Germany iyo Italy.

Germany iyo Italy ayaa kulanka ugu adag wareega sideed dhamaadka Euro 2016  sabtida iskaga hor iman doona magaalada dalka France ee Bordeaux waxaana marakale la arki doonaa murquyada waynta yurub ee Germany iyo Italy oo ku tartamaya tartanka qaramada Yurub. Germany iyo Italy ayaa hore iskugu arkay semi-finalkii Euro 2012 markaas oo Mario Balotelli uu si xun uga oohiyay jamaahiirta Germany.

1 2

Germany ayaan wali ilaawin guuldaradii 2:1 ka ahayd ee ka soo gaadhay xulka qaranka Talayaaniga kulan uu si wayn Mario Balotelli uga dhex muuqday isla markaana uu ka dhaliyay labada gool ee ay Italy ugu soo baxday finalkii Euro 2016.Germany ayaan waligeed guul ka gaadhin xulka qaranka Italy kulan tartan wayn ah, afar guuldaro iyo afar barbaro ayayna kala kulantay, waxaana lays wayniinayaa haddiiba ay Germany ugu danbayn garaaci karto Italy kulan tartan wayn ah.

3

Germany iyo Italy ayaa ka mid ah xulalka qarmada iskugu soo hadhay sideed dhamadka kuwa ugu awooda badan waxaana la filan karaa in midkood uu soo gaadhi karo finalka iyada oo looga shakisan yahay in midka soo baxaa uu qaadi karo koobkan.

 

XOGTA GARSOORKA KULANKA GERMAMY VS ITALY: 

4

2 July: Germany v Italy, Bordeaux
Garsooraha: Viktor Kassai: (Hungary)

Caawiyaasha Garsooraha: György Ring (Hungary), Vencel Tóth (Hungary)

Caawishaasha Kaydka: Tamás Bognár (Hungary), Ádám Farkas (Hungary)

Garsooraha Afraad: Szymon Marciniak (Poland)

Garsooraha Afraad Ee Kaydka: Pawel Sokolnicki (Poland).

Kayse Muse Ali

Puntlandpost

Garowe