Riyadii Rumowday waxaa qortey Sahra Qorane Cumar

Qorane  Muqdisho(Puntland Post) Qof kasta oo ku nool amase ku soo barbaaray meel uusan burbur, dhibaato, dil, qax iyo baahiba aysan ka jirin, wax baddan kama dareemi karo baahida wax akhris ee ay qabaan dadka ku dhashay ama se ku soo barbaaray waddan intaas iyo in kabadan oo dhib ah ku soo jiray muddo dheer.

Dadka kan ugu roon, waa kan ku fakara dadkan waxa ay la’yihiin noloshii aas-aaska ahayd sida cunto, biyo, hooy, waxbarasho, caafimaad iyo amni ee sidee bay kaga fakari karaan, nolol intaa kasii wayn, dadka noocaas ahi niyaddooda maku soo dhici karta in ay wax akhriyaan oo ay la jaan qaadaan dadka asaaaggood ah ee ku nool dunida inteeda kale. Waxaan ka mid ahay dadkii ku soo barbaaray magaalada aan hadda ku noolahay ee Muqdisho. Ku noolaanshaha magaaladan, in kabadan 20 sano, waxaa dareemi kara, qofkii soo dhadhamiyay dhibkeeda iyo samaanteeda taban.

Xilliyo waxaan usoo joogay, iskuulka kolka aynu aadno waalidkeen is weydiin jiray, caruurtaadu iyagoo bad qaba ma kuu soo noqon doonaan? Maxaa kaaga soo yeeri doona iskuulkii? Ardayga ku noolaa Muqdisho, isagana waxa kaliya ee uu ku fakari jiray waa sida uu iskuulka uu dhigto mar uun u dhameyn lahaa ugana badbaadi lahaa dhibaatada ka jirta magaalada.

Inkastoo ardaydu badankood ay fikirkaa qabeen, haddana aniga iyo dhawr arday oo kale waxa aynu isku hawli jirnay nolosha maanta aynu ku noolnahay sida aan ku horumarin karno, sida aan u sameyn karno koox ku midaysan mabaadii’ iyo afkaar qoto dheer, kuwaas oo la tartami kara ardayda asaaggood ah ee dunida inagula nool.

Xilligaa aan sidaa u fikirayno magaalada badankeed faynuus ayaa wax looga akhristaa, iskabadaa in aan helno intarnet ama uu inagu soo dhacdo jiritaanka baro bulsho oo lagu wada xariiro. Waxa keliya ee aan dadka kale kula xariiri jirnay, waxay ahayd, in aan fayl dheer u galno bishii halmar dhawr meel oo looga ganacsado intarnet-ka (internet Cafe) oo isaga qudhiisa ahaa lacag aysan awoodin ardayda badankeed. Dhibaatada ugu weyn ee na soo waajahday xilligaa waxa ay aheyd, sida aan ku ogaan karno marka hore dadka dunida ku nool sida ay u noolyihiin, maadaama aynan heysan TV, Internet, maktabadna iyo meelo aqris loo tagaa warkeedaba daaye.

Burburkii ka dhacay Soomaaliya keliya ma saameyn dhismihii iyo waddoonyinkii ee xitaa wuxuu saameeyay nidaamkii nololeed, maskaxdii dadka iyo hab fikirkii bulshada, sidoo kale waxaa lumay xiriirkii macluumaad ee ka dhexeyn lahaa dadkii dhashay burburkii kadib iyo nooca ay aheyd Soomaaliyadii ka horraysay iyo dhacdooyinka ka jira dunida inteeda kale.

Iskuulka markaan dhigan jirnay, inta uu macallinka iskuulka noo soo dhigo marka laga tago, majirin wax intaa dheer oo aaan akhrin karnay, intii ay dhacdo iney isku dayaana ma jirin fursad iyo meel ay wax ka aqrisan kareen. Maanta Maxaa Isbeddalay? Dhawr iyo labaatan sano ka dib, Muqdisho waxa ay noo rumaysay riyadii aan ku soo noolayn muddada dheer, riyadii aynu ku fikireynay innaga oo ah koox yar oo dagaal iyo qax ku dhex nool. Haa waa ay inoo rumeysay riyadii inta hilowga u qabtay wax akhrinta.

Xarunta Ifiye, oo ay ku bahoobeyn Koox dhalinyaro ah oo u istaagay soo nooleynta sooyaalka, hiddaha, taariikhda iyo dhaxalkii bulshada Soomaaliyeed, misna ku caawinaysa bulshada sida ay ula jaanqaadi lahaayeen bulshooyinka kale ee caalamka, iyagoo aqrinaya wixii laga qoray dunida, ayaa noo rumaysay riyadeennii ahayd inaynu helno meel aynu wax ku akhrisanno, meel aynu ku kobcinno garaadka maskaxdeena, hab fikirkeenna, qoraalkeena, aqriskeena, meel ay ku kulmaan inta caqligoodu iyo maskaxdoodu siisay iney wax kororsadaan, meel aynu ku hormarinno nafteenna, nolosheenna, iyo dadkeennaba.

Xarunta Ifiye waxey fureen maktabad dad weyne oo bilaash, dadkuna si siman uga wada faa’iideysan karaan. Maktabadda ay inoo fureen kooxdan waxa aynu ku illoobi doonnaa baaahiyadii aynu muddo dheer la soo daalaadhacaynay, waxaan dhihi karnaa maanta uma baahnin inaan ka fikirno wixii aan ka fikiri jirnay sanado ka hor, ee waxaan u baahan nahay in aan keliya ka fikirno sideen ku hormarin karnaa noloshan cusub ee reer Ifiye noo soo kordhiyeen. Mahdin iyo bogaandin baaan u soo jeedinayaa kooxdan quruxdii magaaladeenna sare u qaadday ee riyooyinkeennii noo remeeyay.

Waxaa hubaal ah in ay taariikhdu idin xusi doonto, waxaad ka mid noqoteen intii beertay timirta kana fogaysay dalkan intii tiinka abuurtay. Guushu waa billaaw ee Alloow samo dhamaadkeeda nagu gaadhsii.

W/Q: Zahra Qorane Omar
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *