Wasiir Burci Maxamed Xamze oo weerarkii Naasa-hablood ku dhintay

Muqdisho-(Puntland Post) Waxaa laxaqiijiyay in weerarkii Hotel Naasa-hablood uu ku dhintay allaha unaxariistee Burci Maxamed Xamza oo ahaa wasiir dowlihii xafiiska Ra’iisulwasaarah Soomaaliya ee dhanka Bii’ada, ahaana xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

C/salaan Cumar Hadliye, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ayaa bartiisa Twitterka, wuxuu ku xaqiijiyay weerarkaasi inuu ku dhintay Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuuna tacsi u diray eheladii iyo asxaabtii Burci Maxamed Xamze.

Warar warbaahinta heleyso ayaa sheegaya in Burci Maydkiisa saaka laga helay Bur-burka hostiiisa Ka dib markii qolkii uu ku jiray uu ku soo dumay.

Burci Maxamed Xamze ayaa soo noqday Wasiiru Dowlihii Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya, hadana wuxuu ahaa Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka Bii’ada.

Dhan kale waxaa laxaqiijiyay weerarkaas in ay ku dhinteen dad ka badan 15-qof oo u badnaa dad shacab ah.

Xildhibaan Burci ayaa noqonaaya xildhibaankii 3-aad ee Bishan gudaheeda lagu dilo weerar lagu qaado hotelada Muqdisho, 1-dii bishan ayey ahayd markii weerarkii Hotel Ambassador lagu dilay Xildhibaan Cabdillaahi Jaamac Kaba-weyne iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guure.

wasiir h

PUNTLAND POST