Weerar is-miidaan ah oolagu qaday Hotelka Naasa-hablood ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Post) Wararka aan ka helayno magalada Muqdisho ayaa sheegaya gaari nooca Dhaynaha Soomaalidu u taqaan inuu isku qarxiyay afeefka hore hotelka Naasahablood oo ku yaala Isgoyska KM4 ee magalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa laga maqlay dhowr degmo,waxaana hadda Hotelka ka socda rasaas culus, lama cadeyn karo in kooxda weerarka soo qaaday ay gudaha Hotelka galeen iyo in kale.

Weerarka Hotelka lagu soo qaaday ayaa u muuqda mid horay loosii qorsheeyay.

Goobta waxaa soo gaaray ciidanka sida gaarka u tababaran, mana jirto ilaa iyo hadda xog rasmi ah oo goobta laga heli karo.

Labaatan beri ka hor ayay ahayd markii weerar noocaan oo kale lagu soo qaaday hotel Ambaasadoor, kaasoo khasaaro kala duwan gaystey.

Wixii warar ah ee ku soo kordha weerarkaas kala soco Puntlandpost.com

PUNTLAND POST