Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo xukun dila ku ridey 43 katirsan maxaabiistii laga qabtay Al-shabaab

Garowe(Puntland Post)-Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa xukuntay 43 xubnood oo katirsanaa Xarakadda  Al- Shabaab, kuwaas oo lagu soo qabtay weerarkii ay ku soo qaadeen deegaanada Puntland bishii March ee sannadkan.

Maxkamadda ayaa ridey xukunka Khamiistii todobaadkan, waxaana lafilayaa in dhawaan lagu fuliyo xukunkan, iyadoo ay mudo badan ku wadeen baaritaano la xariira arrimahan, dhawr jeerna la horkeenay Maxkamadda ciidamada, iyadoo qareemo loo qabtay.

Maxaabiistaan ay maxkamadu xukunka dilka ah ku riday waxa ay ahaayeen ragii waaweynaa ee lagu soo qabqabtay dagaalkii ay ciidamada Dawlada Puntland laga galeen xarakadda Al-shabaab.

Puntland post