Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- V) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Garissa Lodge: Waa dhismihii asalka ahaa ee Garisssa Lodge oo ah meel Lodge ah oo soomalidu eesaxto waxna ku kala iibsato, waana dhismihii ugu horeeyey ee dadka soo qaxay ay ka bilaabeen ganacsiga baaxadda weyn ee maanta ka socda Eastligh iyo guud ahaan Nairobi. May 1994
Garissa Lodge: Waa dhismihii asalka ahaa ee Garisssa Lodge oo ah meel Lodge ah oo soomalidu seexato waxna ku kala iibsato, waana dhismihii ugu horeeyey ee dadka soo qaxay ay ka bilaabeen ganacsiga baaxadda weyn ee maanta ka socda Eastligh iyo guud ahaan Nairobi. May 1993

Waan yaabay! Waxay ila noqotay in waxaanan ogeyn uu ninku ii sheegay, cibbir cusub buu arrintii saaray oo aanan malaha anigu horay ugu fekerin, cabbiraad uu malaha ku saleeyay saykoloji (Psychology) ahaan waxa uu ka fahmay dhaqanka uu ku arkay qabqablayaasha, dib baan u milicsaday oraahdiisii ” waxyaabo la kala sheegto waa ay jiraan laakiin kuwaas xaqiiqda ma aha ee xaqiiqda ku qarsoon oo aan la shegayn waxay tahay side baa beel hebel innooga badnaan kartaa?! taasna aduunku ma xallin karo …” waxaan is weydiiyay arrintaan armay tahay mashruuc hor leh oo ay rabaan dalalka shisheeyaha ah inay xaalad hor leh oo dagaal ku abuuraan?! waxaa kor u kacay tuhunkii iyo shakigii aan shirka ka qabay.

Waxaana muuqday oo soo if-baxay cudur kale oo shacabkii ku dhacay oo dhiiri gelin weyn u noqday in Qabqablayaashii iyo siyaasiyiintii kalaba isu dhiibaan dalalka shisheeyaha ah siiba Itoobiya iyo Kenya, taaso ahayd in nin kasta loo qaatay in dowladaha shisheeye uu garab ka haysto oo wax ka dhigi karto “hebel Itoobiyaa wadata, hebel Kenya wadata!” taasi marka waxay dhiiri gelisay in qabqablayaashii ku tartamaan in la hoos tago dalakaas oo nin walba is yiraahdo yaan lagaaga dheerayn. Waxaase jiray xiriir sidaas ka duwan oo ka dhexeeyay qabqablayaasha iyo dalalka deriska aan nahay, oo wuxuu ku salaysnaa in nin kasta oo qabqable ah ay hub siiyaan iyagoo aan midna taageero gaar ah siinayn, waayo qorshahooda ma ahayn in midna adkaado oo dagaalku joogsado, kamana danqanayn oo wax dan ah kama lahayn ciddii wax ku noqonaysa, waana halkaas meesha ay ka timid aragtida dad-weynaha ee ku salaysan in hebel Itoobiyo wadato ama hebel ay Kenya wadato.

Hadalka ninka siduu u yiri yuusan dhab u wada ahaan laakiin inay wax ka jiraan baad moodaa baan is iri, waxaan soo xasuustay hadalo iyo dhaqamo u eg hadalka uu ninka sheegay oo kale oo aan marar badan ku arkay qabqablayaasha ama hoggaamiyeyaasha siyaasadda, waxaan ku mashquulay oo aan ka fekeray meesha wax ka khaldameen, waxaan in yar ka fekeray farqiga Soomaali iyo Soomaalinimo u dhexeeya, waxaan garowsaday dadku inay Soomaali u wada dhasheen laakiin aysan Soomaalinimo wada baran, dalkii intii uu burburayna dugsiyada iyo nidaamyada wax-barasho aysan tix-gelin siin arrintaas, hadana dhallinta nidaamyadaas wax ku bartay runtii waxaad moodaa in nuxurka Soomaalinmmada in badan oo iyaga ka mid ah aysan fikrad ka haysan ama ayasan macno u samaynayn, maxaa yeelay nidaamyadii wax-barsho ee dalka ka intuu burburka dhacay waxay u badnaayeen kuo gaar loo leeyahay oo ganacsi laga samayniyo, kuwaasoo xoogga saaray ama ku tartamayay qaybaha kale ee aqoonta isla markaasna aan ilmaha lagu barin wadaniyadda, ummadnimmada iyo qoomiyadooda.

Marar badan waxaa laga yaabaa meelaha lagu sheekaysto haddii aad tagto inaad maqasho ” Soomaalida dalka ma laha, ama Soomaalida waddani ma aha!” wax kale ma aha ee macnaha loo jeedo oo carrabku uu haleeli waayay waa midaas aan sheegayo ee ah inuusan qofka Soomaaliga ah baran Soomaalinimmada. Markii dalku xoriyaddisa qaatay dowladdii dhisantay oo wali aan hana qaad fiican samayn baa la af-gambiyay, laakiin waxaad arkaysaa dadkii waqtigii dowladaas wax bartay ama la soo shaqeeyay, ama xataa dugsiyada hoose ku gaaray xilligeedii, ama ku garaadsaday inay wax ka garanayaan Soomaalinimmada, laakiin wixii kacaanka loo soo gaaray waxaa la bartay Kacaanimo waxaana meesha ka baxay macnihii qoomiyadeed ee shacabku wadaagay, iyo in la barto Soomaalinimmada waxa laysugu yahay.

SHaraxaad dheer oo ku salaysan inaan dhibka Soomaalida dunida iyo Soomaalida midna xallin karin isagoo wada, baan hadalkii ka dhex galay,” Waxaan ku weydiiyay immisa qof oo guddiga xaqiiqo raadinta ah baad u malaynaysaa inay kula qabaan waxa aad sheegayso, mise adiga keligaa baa sidaa qaba?” intuu qoslay buu yiri “waan garan karaa inaad dalkaaga jeceshahay, aad baan uga xumahay waxa aan kuu sheegay hana u qaadan inay dhab wada yihiin oo sida aan kuugu sheegay ay u wada dhici doonaan, laakiin waxaan u dan leeyahay inaad ogaato nimanka hogaanka siyaasadda hor boodaya Soomaaliya caqligooda sida uu yahay, sida ay u fekeraan, waxaan taas ka daran oo yaab kale ah shacbiyadda uu mid kasta oo iyaga ka mid ah dalka ku haysto….”

Wali isagoo aan dhamaysan baan mar kale ugu celiyay “laakiin waxaan ku weydiiyay dhammaan markii aad baaritaan samayseen guddiga xaqiiqo raadinta ma waxaad qabtaan inaan Soomaaliya xal loo heli karin?!” oo hadana intuusan jawaabin raaciyay “waxaa ila haboonSoomaalidu way heshiin doontaa, waana dad taariikhdooda haddaad aqrisay soo dagaali jiray waligoodna aan kala tegin, marka waan hubaa oo way heshiinayaan ee Allow yaa idin yiraahda adinku nagu libin sheegta, kolayba Soomaali way heshiinee!” wuu qoslay ilaa uu gows danbeedkiisa muuqday, oo qufacay, oo ilmeeyay, oo inta xaashiyihii tirtirashada miiska ka qaatay wajiga iska marmariyay “Hah! Him! Waxaan ku qoslay ma garanaysaa! yaa , waxaad i soo xasuusisay nin muddo ku dhex jiray arrimaha Soomaaliya baa maalin igu yiri Soomaalida waa dad aad u caqli badan siday u dhanyihiin! Marka adigu hadda tii uu ninkaas igu yiri unbaad moodaa inaad u marqaati kacayso, oo waxaad hadda ii sheegaysaa inay Soomaalida la imaan karaan wax aan laga filayn oo mucjizo oo kale u dhaca, OK, aa.. aniga wali adiga kuma weydiin ra’yi ahaan adigoo Soomaali, dadkii ka mid ah, dhibaatada jirta baaxaddeeda ka war haya, dhaqanka hoggamiyeyaasha aan is leeyahay wax fiican baad ka garan kartaa, ee, maxaad is leedahay arrinta Soomaaliya waa lgu xallin karaa? Sidee?”.