Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay magaaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29-May-2016 magaalada Muqdisho kaga qayb galay shirka Madasha hoggaamiyayaasha qaran ee looga hadlayo hannaanka doorashooyinka 2016-ka oo saaka ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubba-land iyo Madaxweynayaasha maamullada kumeel-gaarka ah ee Koon-fur-galbeed iyo Galmudug.

Shirka oo Socon doona Muddo labo maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii ay hore Madashu u gaartey ee la xiriirey hannaanka doorashooyinka iyo qaababka ay guddiyadu uga hawl geli doonaan dhammaan gobollada dalka.

Sidoo kale muddada uu shirku socdo ayaa lagu lafa guri doonaa halka looga sii gudbayo kadib doorashada 2016-ka iyo sidii dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah  si loo soo celiyo qaranimadii Soomaaliyeed.

—-DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_0027 IMG_0028 IMG_0029 IMG_0030 IMG_0031 IMG_0035